XIRIIRKA IYO GUURKA

Waxyaabaha Macaan Ee Lagu Dhaho Wiilka Ama Gabadha Aad Xiriirka Leedihiin Markaad U Xiisto

Ma dooneysaa inaad u sheegto wiilka ama gabadha aad saaxiibada tihiin, sida aad ugu xiistay laakiin aad awoodi weyday inaad hesho ereyo kugu habboon inaad adeegsato? Waxaad timid meeshii saxda ahayd maaddaama maqaalkani uu yahay mid si gaar ah u soo uruurinaya waxyaabaha macaan ee la yiraahdo markii aad u xiisto isaga/iyada. Aan u gudubno farriimaha aad adeegsan karto.

1. Waxaan u xiisay inaad gacmahaaga igu qabato, xabadkaaga aanku jiifo, oo aan dhegeysto garaaca wadnahaaga anigoo og inaad i jeceshahay! Waan kuu xiisay.

Dadku waxay iisheegaan inaan ubaahanahay inaan iska kaa daayo, waxay dhahaan waxaad ubaahantahay inaan kaasii socdo oo aan ku iloobo, laakiin kawaran haddii aanan kaa maarmin oo aan rabo inaan ku xasuusto.

2. Aad ayaan kuugu xiisaa. Waqti kasta oo aan isku qabto indhahayga waxaan arkaa adigoo ii dhoolla caddaynaya, indhaha ayaan kala furaa, runta ayaan arkaa oo waan ooyaa.

Waan necbahay inaan ku riyoodo anigoo gacmahaaga ku jiro, kaliya aan soo tooso oo aan ogaado inaad si aada iiga fogtahay. Waan kuu xiisay

3. Waligaa ma u xiistay qof oo markasta oo aad indhaha isku qabato aad u malaynayso inuu kuu dhoola-caddaynayo kadibna markaad indhaha kala qaado aad bilaawdo inaad ooyso. xabiibi waan kuu xiisay.

4. Markaad tagto waxaan dareemaa kalinimo iyo murugo, laakiin markaan wada joogno waxaan rabaa inaan ku jiro gacmahaaga. Waan u xiisay ninki ii sheegay sida aan u qurxoonahay iyo sida uu iijecelyahay iiguna xiiso markii aan ka maqanahay waxan u baahanahay inaad dib iigu soo noqoto, ma dareemayo inaad irabto.

5. Waxaan jeclaan lahaa in maskaxdaydu ay ahayd sida kumbuyuutarka oo kale oo hal mar badhanka tirtirka lataabto, kadibna waan kaa tirtiri lahaa. Maxay tahay rafaadka aan sidaan kuugu xiiso? Mararka qaarkood markaan halkan fadhiyo adiga ayaan kaa fakaraa, waxaan la yaabanahay haddii aad adiguna halkaas fadhidid adoo iga fikiraya.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid