ARIMAHA BULSHADACAAFIMAADKA

Sida ay xulbadu u caawiso ragga iyo dumarka

Xulbadu waa dhir-daweed waxtar badan leh waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran.

Waxaa afk-Soomaaliga lagu dhahaa xulbad, waxa uuqadda Ingiriisida lagu dhahaa (Fenugreek) magaceeda sayniskana waxa la dhaha (Trigonella foenum-graecum).

Xulbaddu waa xubin ka mid ah qoyska Fabaceae botanical waxayna isku faamli yihiin digirta, lawska, Iyo biinaska.

Xulbaddu waxay asal ahaan kaso jeeda Koonfur-Bari Yurub iyo Galbeedka Aasiya, hadda waxa lagu beeraa waddamo badan sida India, Argentin, Masar iyo wadamada Mediterraneanka, Koonfurta France, Morocco iyo Lubnaan.

Xulbadu waa mid ka mid ah dhirta ugu da’da weyn ee daawo ahaan loo isticmaalo, wadamada ugu badan ee u isticmaalana waxa ka mida Hindida iyo Shiinaha.

Halkii qaaddo ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:

35.5 oo kaloori ah

6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah

2.5 garaam oo borotiin ah

0.7 garaam oo dufan ah

2.7 garaam oo fiber ah

3.7 miliigaraam oo bir ah

21 miligaraam oo macdanta magnesium ah

32.6 miligaraam oo foosforas ah

0.1 miligraam faytamiin B6 ah

Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbada

Faa’iidooyinka xulbadda

– Waxay sare u qaaddaa caafimaadka wadnaha. Milkiilaha Anne Danahy, RDN, ayaa sheegtay in maadada birta ee ku jirta xulbadda ay ka dhigayso cunto faa’iido u leh caafimaadka wadnaha. “Dadka intooda badan waxay ka fikiraan hilibka marka ay ka fikiraan cuntooyinka qani ku ah birta, laakiin sidoo kale waxay ku jirtaa dhirta iyo miraha sida xulbadda,” ayay tiri Anne Danahy.

Macdanta iron-ta kujirto 100 grams oo xulbada waxay labojibaar kabadantahay xaddiga jirku ubaahanyahay maalintii.

-Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka. Waxay u fiicantahay Caloosha oo waxa kujiro xaddi badan oo ah maadada faybarka (fiber) ah.

-Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa.

Xulbada waxaa lagu daaweeyaa caabuqa qumanka.

Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga. Waxay ragga ka caawin kartaa kordhinta testosterona-ka iyo kordhinta tirada shahwada.

Xulbada waxaa lagu daaweeya nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.

Xulbada waxay korisaa timaha, Sidoo kale waxayna ka ilaalisaa siibmidda iyo go’idda.

Faaidooyinka saliida xulbadu ay leedahay waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado. Cilmibaaris badan aya lagu sheegay in xulbadu ay badiso caanaha hooyada maadama ay leedahay nafaqo aad ubadan

Xulbadu waxay faaido fiican u leedahay gabdhaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.

Digniin: Xulbada isticmaalkeedu waxa uu khatar ku keeni karaa dumarka uurka leh maadaama oo xulbaddu soo ururiso ilmo galeenka.

Waxay xoojisaa shaqada Maskaxda: waxa kujiro xaddi badan oo vitamin B complex oo ka qayb qaadato shaqada neerfaha iyo samaysanka fariin wada yaasha neerfaha sida serotonin iyo gamma aminobutyric acid.

Waxay leedahay Tamar (energy) aad ubadan maadaama uu kujiro kaarboheydareyt badan.

Source
BBCSomali

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid