SHEEKOOYIN JACAYL

Sheeko Jacayl: Kulankii ugu dambeeyay ee isku bedelay Farxadda (Qeybtii 1-aad)

Kulankii ugu dambeeyay:-

Maalintii ballanta ahayd ayaa timid, wuxuu Saadaq, safar 12 saacadood qaatay ku tagay magaalada Gaalkacyo oo ay ku noolayd Farxiyo, halkaas oo uu kula kulmay maqaayad yar oo shaaha iyo waxyaabaha mac macaanka ah lagu iibiyo sida ay ballantu ahayd.

Farxiyo waxay u muuqatay qof tabar darro ay heyso, Saadaqna wuu ogaa tabardaradaas inay keentay hurdo la’aanta habeeno farabadan heysay Farxiyo iyo niyad jabka heystay, waxa uu rabay inuu dhunkado maadaama inkbadan sanad aysan kulmin balse waxa uu xasuustay ujeedka booqashadiisa  wuuna joojiyay dhunkashadii, waxay rabeen inay kulmaan kulankoodii ugu dambeeyay inta aysan kala tagin waxay u keentay saacad qaali ah oo uu Saadaq hadiyad ahaan hore ugu keenay Farxiyo si ay dib ugu celiso.

Waxay dalbadeen Koffee, iyagoo bilaabay sheekadooda inay isxog wareystaan dhowr daqiiqo, wuxuu arkay ilmada ku qubaneysa indhaha Farxiyo taasoo ay adkayd inay xakameyso, ilbiriqsi kasta wuxuu misaamayay kororka ilmada kasoo burqaneysa indhaha Farxiyo, ugu dambeyna markii Farxiyo ay xakameyn weysay ilmada indhaheeda ka qubaneysa, dhinac ayay u jeesatay si ay nafis u hesho isla markaana ilmada faraha badan mar uun ay uga yaraato.

Saadaq ayaa Farxiyo ku yiri, “Maxaad la ooyneysaa hadda? Miyuusan go’aankaaga ahayn inaan kala tagno? Waxaad iigu yeertay in wax waliba aan hadda wada dhameyno oo aan si wanaagsan labadeena ku kala tagno marka maxaad la barooraneysaa?”

Weyka aamustay oo uma jawaabin, Saadaqna wuu fahmay jawaabteeda, kadib Koffeegii ay dalbadeen ayaa loo keenay iyo waxyaabo kale oo mac macaan ah, kadibna Farxiyo waxay Saadaq ku wareejisay saacaddii iyadoo ku tiri, “Waligeey ma aanan isticmaalin, mar kasta waxaan rabay inaan xirto saacadda guurkeena kadib, si wanaagsan qaado oo hadiyad uga dhig haweeneyda mustaqbalka xaaska kuu noqon doonta”.

Shantii daqiiqo ee u dambeysay waxay kawada hadleen waqtiyadii xumaa ee xiriirkooda iyo sida uu xalka u yahay inay kala tagaan labadooda, kadib way istaageen si ay u baxaan, Farxiyo, ayaa Saadaq u sheegtay inuu kusugo qeybta lacag bixinta maqaayadda wayna baxday si ay u dhaqdo wajigeeda maanta oo dhan ilmeynayay oo ay ka muuqato duruufta iyo niyad jabka, Saadaq ayaa xaaladdan ku fiirsan waayay Farxiyo, waligiis ma uusan rabin inuu ka ilmeysiiyo Farxiyo oo ay isjeclaayeen, wuuna ogaa in Farxiya marnaba aysan rabin in xiriirkooda uu sig aba gaboobo niyad ahaan balse lagu qasbay maadaama uu Saadaq guur diyaar u ahayn.

Sheekadan waxay gaar u tahay Shabakadda Aayaha Online.

La oco qeybta labaad ee sheekada oo tan kasii xiisa badan maalinta berri ah Insha allaah.

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid