LAYAABKA

Nin huradada ka toosay isagoo ay ka go’antahay xubinta taranka (Sheeko Yaab Leh)

Nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa hurdada ka toosay isagoo ay ka go’antahay xubintiisa taranka kadib habeen dhan oo uu isticmaalayay maandooriyaha qariga.

Ninkaan oo 44 jir ah, laguna magacaabo Tan Nan ayaa la joogay saaxiibadiis oo ay wax cunayeen isla markaana qamri wada cabayeen xilligii uu Khamriga iska badiyay isla markaana hurdada uu la dhacay.

Booliiska ayaa baaraya kiiskaan wareerka ah. Tan ayaa u sheegay saraakiisha booliiska inuusan waxba ka ogeyn cida xubinta taranka ka jartay.

Isbitaallo dhowr ah ayaa wax ka qaban waayay xaaladdiisa maadaama ay sheegeeyn inaysan u qalabeysneyn howl noocaas ah.

Ugu dambeyn, waxaa loo qaaday isbitaalka Changsha, halkaas oo ay ku daaweeyeen khubarao ku takahsusutay arimaha taranka.

Sida wararku ay sheegayaan kadib qalliin qaatay 7 saacadood, xubintii taranka ee go’neyd ayaa dib loo dhajiyay booskeedii.

Si kastaba, Waxaa laga war sugayaa haddii qeybta kaadida iyo tan dareenka dib loo soo celin karo, inkastoo dhaqaatiirta ay rajjo wanaagsan ka muujiyeen.

Booliiska ayaa lagu wargeliyay weerarka iyagoo baaris ku haya kiiskan balse dhibanaha ayaanan wali si buuxda usoo kabsan si su’aalo loo weydiiyo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid