CAAFIMAADKA

Khudaar Kaa Caawin Karta La-dagaalanka Cudurka Malaariyada

Cunista Khudaarta qaar oo ay wehliso qaadashada daawada kahortagta Malaariyada ayaa caawin kara la dagaalanka Malaariyada.

Qudaarta qaar waxaa laga helaa maadooyinka lagu magacaabo (therapeutic properties) oo muhiim u ah qofka xanuunsan waana sababta ay tahay inaad u qaadato markaad dareemeyso xanuun.

Doctor Sanjay Kumar, oo ah Dhaqtar nafaqo yaqaan ah ayaa iftiimiyay liiska Qudaarta kaa caawin karta la dagaalanka Malaariyada.

1. Babaayga

Qudaartan cajiibka ah waxay leedahay faa’idooyin caafimaad oo muhiim u ah jirka. Nafaqooyinka ugu muhiimsan ee laga helo Babaayga, waxaa kamid ah Fitamiin A iyo C oo loo baahanyahay inuu jirka helo si uu difaac u yeesho.

Markii aad la xanuunsaneyso Malaariyo waxaa lagaaga baahanyahay inuu dhidid badan kaa baxo.

Heeysashada Babaabyga ayaa kaa caawin karta inaad dhaqsi dib ugu hesho biyihii kaa baxay, iyadoo intaas ay dheertahay nafaqooyinka ku jira Babaayga inay sare u qaadi karaan nidaamka difaaca jirka si loo hubiyo in Bakteeriyo aysan galin nidaamka jirka.

Babaayga ayaa wuxuu sidoo kale yareyn karaa astaamaha la yimaada Malaariyada sida, Matagga, qandhada iyo wixii lamid ah.

2. Liinta Cas (Orange)

Markay noqoto ka hortagga iyo dawaynta cudurrada qaarkood, liinta ayaa had iyo goor muhiim u ahayd dadka.

Bukaanada qaba Malaariyada waa inay mar kasta qaataan Liinta Cas si ay u caawiso.  Qudaarta ayaa kaa caawin karta dib u helidda biyihii kaa baxay sidaa darteed waa muhiim inaad heysato qudaartaan wanaagsan.

3. Canabka

Qudaar kale oo muhiim ay tahay inaad cunto markay ku heyso Malaariyo ayaa ah Canabka. Fitamiinada ku jiro ee C iyo A, ayaa xanuunka cudurkaan waqti gaaban kaaga yareyn kara.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid