XIRIIRKA IYO GUURKA

Haddii Gabadha Aad Xiriirka Leedihiin Ay Sameyso Arrimahaan Naadirka Ah Guurso

Nin ahaan waxaa laga yaabaa inaad ku jahwareerto sifooyinka ay tahay inay haweeneydu yeelaato kahor intaadan ka dhigin xaaskaaga.

Waxaa jira arrimo badan oo maskaxda lagu hayo marka aad ka fikireyso inaad guursato. Haddii aad gabadha ku aragto astaamahan aan caadiga ahayn, markaa isla markiiba guurso.

Waa kuwaan calaamadaha gabadha wanaagsan ee guurka u qalanto.

  1. Way kula xiriirtaa intii ay dagaalami lahayd

Qof kastaa wuu xanaaqaa, dadka qaarna waa kuwo caro badan ama si sahlan ku carooda.

Haddii gabadha aad xiriirka leedihiin ay ku dadaasho inay kula soo xiriirto islamarkaana ay ku dhageysato intii ay kaasoo horjeesan lahayd oo muran iyo qeylo ay kaa horkeeni lahayd, taasi waa calaamad wanaagsan oo muujineysa xiriir caafimaad leh. Si dhaqsi ah u guurso gabadhaas.

  1. Raali gelin

Haddii ay ka xumaato markii ay qalad gasho isla markaana ay kaa raalli-geliso qaladka waa calaamad fiican.

Heerka isla weynida dumarka qaar ee maalmahan waa mid aad u dhib badan, hadaadan waqtigaaga qaadana waxaad ku dhici kartaa dabinka inaad guursato gabadh sidan oo kale ah.

Si kastaba ha noqotee, markay haweneydu marwalba oo ay qaldanto ay kaa raaligeliso,

guurso.

  1. Daacad ayay idiin tahay adiga iyo dadka kaleba

Daacadnimadu waa sifo aad muhiim u ah marka la doonayo in xiriirka uu noqdo mid muddo dheer jira; haddii aadan ku kalsoonaan karin lammaanahaaga, sidee ugu sheegi kartaa wax kasta si kalsooni leh, ama u rumaysan kartaa wax kastoo ay kugu yiraahdaan?

Raadi qof si wanaagsan kuu ixtiraama oo daacad kuu noqda.

  1. Way ku dhiirigalisaa

Xaaska waa isha dhiiri gelinta. Weligaa ha u qaadan inaad mar walbo heleysid haweeney kugu dhiirrigelisa inaad noqotid qof wanaagsan oo hormar aad gaartid. Sidoo kale uga mahad celi dhiirigelinteeda una muuji qadarin. Guushaadu waa guusheeda.

Naagta noocaas ah way wanaajin doontaa noloshaada haddii aad go’aansato inaad xaas ka dhigato.

  1. Way ku xushmeysaa

Ixtiraamku waa u muhiim guurka. Raggu waxay rabaan haween ixtiraama. Haddii ay ku ixtiraamto isla markaana ay sidoo kale ixtiraam kula dhaqanto dadka kale, haka tagin gabadhaas

  1. Akhlaaq

Akhlaaqda waa mid kamid ah sifooyinka qiimaha leh ee laga eego gabadha aad xaas ka dhiganeyso.

Haweeneyda leh akhlaaq wanaagsan waa mid dhaqi karta guri oo adeeceysa ninkeeda isla markaana wanaag kula dhaqmeysa ninkeeda iyo dad kale.

Sidaa darteed, haddii gabadhu ay leedahay akhlaaq wanaagsan, guurso.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid