CAAFIMAADKA

5 Faa’ido oo muhiim ah oo ay leeyihiin Cabista Biyaha Diiran Subixii (Caafimaad ayaad ka heleysaa)

Cabidda biyaha si guud waxa ay u wanaagsanyihiin jirka balse biyaha diiran ama qandaca ah ayaa kasii wanaagsan

5 faa’ido oo ay leeyihiin biyaha qandaca ah oo subixii alsaeey la cabo adigoon wax kale afka saarin hoos ka aqriso:-

  1. Calool socoshada/ kahortagga calool fadhigga

Cabidda biyo qandiir ah ama qandac ah subaxdii alasaeey calooshaada oo faaruq ah waxay kaa caawinayaan in calooshaada ay socoto iyagoo kahortagga dheef shied xumada.

  1. Xanuunka cunaha

Biyaha qandiirka ah waxay kaa caawinayaan xanuunada ku yimaada cunaha iyagoo cunaha ka dhiga kuwo nadiif ah waxayna kuu fududeeynayaan inaad si wanaagsan u neefsatid xanuunkana isla markaana uu xanuunka kaa yaraado.

  1. San xiranka

Biyaha qandaca ah waxa ay nadiifiaan hawo mareenka sanka gaar ahaan ahaan san xiranka, cabidda biyo qandiir ah subixii alseey xilligaas uu sanka xiranyahay waxa ay ku siinayaan gar gaar deg deg ah.

  1. Baabi’inta xeerta

Biyaha kulul ama qandiirka ah oo aad si joogta ah u cabtid waxa ay baabi’iyaan xeerta ama cayilka marka laga reebo in ay nadiifiyaan dhammaan nidaamka jirka, si aad u noqotid qof soo jiidasho leh waxaa lagu darsan karaa liin iyo malab.

  1. Dheefshiidka

Cabidda biyaha qandaca ah maalin walba waxay hagaajiyaan dheefshiidka, cilmi baaris ayaa sheegtay in biyaha kuleelka dhex dhexaadka ah ama qandiirka ah ay si fudud ku baabi’iyaan cunnada caloosha taasoo caawineysa dheefshiidka.

© Aayaha

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid