Home XIRIIRKA IYO GUURKA Gabaryahay Hadaad Shukaansatid Nin Leh Lixdaan Sifo Waad Nasiib Badantahay

Gabaryahay Hadaad Shukaansatid Nin Leh Lixdaan Sifo Waad Nasiib Badantahay

0

Ninka ragga ah ee qiimaha leh waa kan yaqaano sida waang loogula dhaqmo xaaskiisa.

Waa kuwaan 6 sifo oo aad ku garaneysid inaad shukaansatid nin qiimo leh.

  1. Ninka ragga ah waxa uu qiimeeyaa shaqsiyadda inkabadan aragtida

Iyadoo  ragga ay eegaan muuqaalka marka ay lamaan dooranayaan, ninka dhabta ah haweeneyda wuxuu ku qiimeeyaa shaqsiyaddeeda, caqligeeda iyo sida ay tahay gabadha shaqsi ahaan.

  1. Ninka wanaagsan waa kan xushmeeya xaaskiisa

Ninka wanaagsan waxa uu ogyahay muhiimadda ay leedahay xushmadda, ninka dhabta ah waxa uu xaaskiisa siiyaa xushmad si xunna ulama dhaqmo, ninka dhabta ah xaaskiisa kuma qasbo inay sameyso wax aysan awoodin ama aysan wanaag u arkin.

  1. Ninka wanaagsan waxa uu xaaskiisa ka dhigaa mid wanaagsan

Haweeney waa inaysan la joogin nin hoos u dhiga hamigeeda, ninka wanaagsan ah waxa uu ku dadaalaa wanaagga waxa uuna xaaskiisa ku abaabiyaa isla sidaas.

  1. Ninka wanaagsan waa kan fahamsan muhiimadda is aaminaadda

Ninka wanaagsan ma ogolaado in kalsooni darro ay saameyso kalsoonidiisa, kalsooni ayuu ku qabaa xiriirkiisa mana baar baaro taleefanka xaaskiisa.

  1. Ninka wanaagsan waxa uu yaqaan sida loo xakameyo khilaafka

Ninka wanaagsan waxa uu garanayaa sida loo xakameeyo muranka xiriirka, kama carrao khilaafka isagoo sameynaya  raali galin isla markaana raadinaya cid dusha laga saaro balse waxa uu la hadlaa xaaskiisa.

  1. Ninka wanaagsan dadaal ayuu bixiyaa

Ninka wanaagsan waxa uu sameyaa wax kasta oo ay ku qaadato sidii uu uga farxi lahaa xaaskiisa, waxa uu rabaa in xiriirka uu shaqeeyo isagoo dadaal badan ku bixinaya arrintaas.

Previous articleSINGLE WOMEN REVEAL BIGGEST ISSUES THEY’VE HAD WITH ONLINE DATING
Next articleDaawo: Mursal Muuse oo hees cajiib ah ku ammaanay Hodan Cabdiraxmaan “Hodan Xayo Wanaageey”