XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Arrimood Oo Muhiima Oo Ay Tahay Inaad Mudnaanta Siiso Haddii Aad Rabto Xiriir Guul Leh

In badan oo naga mid ah waxay leeyihiin liis dheer oo sifooyin ah oo ay tahay in lammaanaha qumman uu lahaado laakiin runtu waxay tahay ma heli karno wax kasta oo aan ka rabno hal qof.

Waa inaad samaysaa xoogaa tanaasul ah markaad dooranayso lamaane laakiin waxaa jira sifooyin ay tahay inaadan waligaa ka tanaasulin haddii aad rabto xidhiidh guul leh.

Halkan ka akhriso 6 sifo oo muhiim ah oo ay tahay inaad mudnaanta siiso haddii aad rabto xiriir guul leh.

Daacadnimo

Ma yeelan kartid xiriir guul leh haddii lammaanahaagu aanu daacad ahayn. Halkii aad diiradda saari lahayd muuqaalka, waa inaad doorataa lammaane daacad ah.

Faham

Waxaa yaraan doona isku dhacyada Xidhiidhkiina haddii lammaanahaagu yahay qof wax fahmaya. Haddi aad rabto xidhiidh guulaysta, waa in aad raadisaa lamaane faham leh.

Naxariis

Lammaanahaagu kuma daryeeli doono haddii isaga/iyada aysan naxariis lahayn. Haddii aad rabto xidhiidh guulaysta, naxariistu waa sifo muhiim ah oo ay tahay in lamaanahaagu leeyahay.

Isku dan

Waxay u badan tahay inaad yeelato xiriir guul leh haddii aad doorato lammaane adiga kula mid ah. Lammaanaha wadaaga dhadhanka, danaha iyo filashooyinka waxay u muuqdaan inay noqdaan kuwo khilaafkoodu yaryahay.

Kalsooni

Waxay u badan tahay inaad yeelato xiriir guul leh haddii aad doorato lammaane la isku halayn karo. Lammaanaha aan la isku halayn karin waxay ku fashilmi doonaan inay gutaan waajibaadkooda oo ay fuliyaan ballanqaadyadooda. Lammaanaha la isku hallayn karo ayaa aad loogu kalsoon yahay oo la Aamini karaa.

Dareen dagan

Waxay u badan tahay inaad yeelato xidhiidh guulaysta haddii lammaanahaagu niyad ahaan deggan yahay. Lammaanaha aan niyad ahaan degganayn waxa uu u muuqdaa in uu niyad ahaan xasilneyn, werwersanyahay oo uu degdeg ku cadhoodo.

Lammaanaha aan niyad ahaan degganayn waxa uu u muuqdaa inuu noqdo mid xaasidnimo badan oo cafiskiisu yaraado.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid