XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Sababood Oo Aad U Joojineyso Inaad Qof kasta U Sheegto Dhibaatooyinka Guurkaaga

Dad badan ayaa u sheega qof kasta oo danaynaya inuu dhegeysto arrimaha guurkooda; Waxay aad uga cawdaan xaasaskooda ama raggooda oo ay ku yar tahay inay wax wanaagsan ka sheegaan guurkooda.

Waxaan idiin heynaa shan sababood oo ay tahay inaad taas maanta joojiso:

Guurku ma ahan xiriir

Guurku ma aha xidhiidh waana in sidaas loo qaato; halka xidhiidhku yahay uun heshiis lala galo qof, guurkuna wuu ka qoto dheer yahay taas.

Guurku waa axdi, dhaar iyo nidar; Erayadaas aad ku tidhaahdo maalinta arooska maaha hadal uun, waa nidar. Sidaa darteed, marnaba ha ula dhaqmin guurkaaga sidii inuu yahay xiriir kaliya.

Maad iyo xan

Ka taxadar qofka aad kala hadasho arrimahaaga guurka, sababtoo ah marar badan, waxaad naftaada ka dhigtaa mid lagu qoslo oo xarun u ah xanta xitaa asxaabtaada, qoyskaaga, asxaabtaada iyo deriskaaga.

Xaalada ayaad isku sii cakireysaa

Waligaa si xun ugama hadli kartid guurkaaga mana isku dareemi kartid inaad isla fiicantahay, sababtoo ah waxaad qeyb ka tahay guurkaas. Waxaad kaliya uga sii dareysaa xaaladda marka aad si xun uga hadasho guurkaaga; waligeed kaa farxin mayso sinaba.

Waad uga sii dareysaa xiriirka aad la leedahay lamaanahaa

Xiriirka aad la leedahay lamaanahaaga ayaa sii xumaan doona haddii aad si xun uga hadasho lamaanahaaga. Waxa kaliya ee aad xumeyneysaan waa xiriirkiina, sababtoo ah ficilkaagu wuxuu qalbiyadiina u keeni doonaa qaraar daran

Lamaanahaaga waa qofka ugu wanaagsan ee lala hadlo

Qofka ugu fiican ee aad kala hadasho guurkaaga waa lamaanahaaga. Haddii dad badan ay ogaan karaan sida loola xiriiro lamaanayaashooda, markaas waxay xallin lahaayeen in ka badan 75% dhibaatooyinka ay qabaan.

Jooji inaad qof walba u sheegto arrimaha guurkaaga, jooji inaad ka hadasho xumaanta guurkaaga iyo lammaanahaaga oo bilow inaad isku daydo inay arrimuhu shaqeeyaan. Bilow in aad wax wanaagsan tiraahdo, oo aad guurkiina ku aragto indho wanaagsan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid