XIRIIRKA IYO GUURKA

Saddexdan calaamadood hadaad ku aragto xiriirka, isaga dhaqaaq

Xiriir kasta ma noqdo mid mustaqbal yeesha waxana dadka laga rabaa inay taas, sidaa darteed Sideed ku ogaaneysaa inay tahay waqtigaad ka dhaqaaqi lahayd guurka aan mustaqbalka lahayn.

Waa kuwaan 3 calaamadood oo ku tusaya inaad ku jirtid waqtigaad horey uga socon lahayd xiriirkaas.

  1. Kalsooni la’aan

Kalsoonida waa mid muhiim u ah guurka. Guurkaaga horey uma soconayo haddii aadan ku kalsooneyn lamaanahaaga. Haddii lamaanahaaga aysan keenin ama kusiin sabab aad ku aaminto kadib waa waqtigaad horey uga socon lahayd xiriirkaas.

  1. Lamaanahaaga oo ku qiyaano

Maxaad qof mar ku qiyaanay u siineysaa fursad kale uu kugu qiyaano, qofkii mar ku qiyaanay waa hubaal inuu mar kale ku qiyaanayo, qiyaanada maahan wax hal mar dhaca, waa caado.

Marnaba ha iska dhaadhicin in lamaanahaaga aad ka joojin karto qiyaano waxba kama qaban kartid qof qiyaano u bartay. Qofka kaliya ee qiyaanada iska joojin kara waa isaga/iyada.

  1. Taageero la’aan

Lamaanahaaga waxaa laga rabaa inuu kugu gacan siiyo himilooyinkaaga, taas ayaa ah nuxurka xiriirka. Lamaanaha waxaa laga rabaa inay isgacan siiyaan oo midba kan kale uu ku taageero himilooyinkiisa, haddii lamaanahaaga uusan kugu gacan siin hammigaaga waxaad ku jirtaa guur xun waana waqtigaad ka dhaqaaqi lahayd.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid