XIRIIRKA IYO GUURKA

8 Siyaabood Oo Gacalisadaada Aad Ugu Sheegeyso Inaad Jacayl Waali Ah U Qabto

Jacaylka waa dareen aad u qurux badan gaar ahaan markii aad heysatid  qof sida u jeceshahay kabadan kuu jecel, heysashada jacayl isku dhafan adiga iyo xaaskaaga ama alamaantaada waxay jacaylka ka dhigtaa mid qurux badan.

Si,kastaba  dhihidda waanku jeclahay waa wax iska caadi ah mararka qaar waxayna lamaanataada la noqonaysaa mid ay maalin walba maqasho taas.

Waxaa jira qaabab macaan badan oo aad ku dhihi karto xaaskaaga waanku jeclahay ama ninakaaga waanku jeclahay inkabadan inta aad ijeceshahay.

1- Waxaa tahay  qof khaas ah

Inaad u sheegto lamaantaada sida ay khaas kuugu tahay waxay jaceylka ka dhigeysa mid dareen iyo qiimo leh tani waxay abuurtaa jacayl qoto dheer oo idinka dhex curta.

2- Waxaa tahay Ayaan kugu jeclahay

Tani waxay ka dhigantahay inaad gabi ahaanba aqbashay lamaantaada ama lamaankaaga oo wax walbo ay tahay ama uu yahay aadku jeceshahay.

3- Hadiyad ayaa ii tahay

Inaad lamaantaada ama lamaankaaga ugu yeertid hadiyad waxay dareensiineysaa dareen qurux badan waxay abuureysaa dareen qaas ah.

4- Waanku mahdinayaa inaan nolosha kugu helo

Tani waxay muujineysaa xushmad iyo qiimo inaad qofkaas nolosha aad ku heshay waana wado kale aadku oraneyso waanku jeclahay.

5- Mar kasta qalbigaa iiga jirtaa

Tani ma muujineyso kaliya inta aad jeceshahay ama jaceylka aad qofkaas u qabto inta uu la egyahay balse waxay sidoo muujineysaa qiimaha uu qofkaas kuugu fadhiyo.

6- Ma sawiri karo nolol aanan adiga ku heysan

Waxay tani muujineysaa saameynta uu lamaankaaga ama lamaantaada ku leedahay noloshaada iyo sida aad u qiimeysid qofkaas.

7- Micno ayaad u yeeshay nolosheeyda

Tani waa mid si qoto dheer oo qoto dheer gudaha ugu sii dhaadhaceysa waxay muujineysaa qiimaha lamaankaaga ama lamaantaada inay ka badantahay inaad sheegtid sida aad dareemeysid.

8- Aad Ayaan u faraxsanahay markii aan kula joogo

Tani wajiga almaanataada farxad iyo dhoola cadeyn ayay soo galineysaa waxay xasuusineysaa micnaha ay kuugu fadhiyo iyo qiimaheeda.

Mararka qaar dadka waxay maqlaan waanku jeclahay balse waadka bedelnaan kartaa adigoo qaabab kale u oranaya si aad jacaylkaaga ama qofka aad jeceshahay ugu sheegtid qiimaha ay kuugu fadhiso.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid