ARIMAHA BULSHADAEditor's Picks

Aktaradda Zaira Wasim Oo Bollywoodka Uga Baxday Diinta Islaamka & Alle Dartiis

AKtaradda Bollywood-ka Zaira Wasim, ayaa ku dhawaaqday inay isaga tageyso jilidda aflaamta iyadoo sheegtay in shaqadaan ay Qatar gelisay xiriirka kala dhexeeya diinteeda Suuban ee Islaamka.

“Safarkaan wuxuu ahaa mid daal badan, nafteyda waxaan la dagaalamayay muddo dheer,” ayay kusoo qortay barteeda Facebook-ga.

Gabadhan oo ah 18 sano jir ayaa waxaa hadalkeeda si deg deg ah durba uga falceliyay dad badan oo Hindi ah iyagoo ku dhaleeceeyay sababta ay uga laabatay jilista filimaanta.

Zaira Wasim, ayaa soo shaac baxday sanadkii 2016 xilligaas oo ay xidig ka noqotay filimka Dangal, oo noqday mid kamid ah filimaanta ugu caansan bollywoodka.

Aktaradan oo kasoo jeeda gobolka ay maamusho Hindiya ee Kashmir ayaa sharaxaad ka bixisay caqabadaha ka jira shirkaddan iyo saameynta ay ku yeelatay xidhiidhkeeda kala dhexeeya diinteeda Islaamka.

Qoraalka oo ay soo dhigtay Barteeda Facebook ayaa waxaa uu durbo soo jiitay kumanaan ruux oo siyaabo kala duwan uga falceliyay.

Zaira Wasim, ayaa sheegtay in inkastoo ay jilidda aflaamta ku habboonaan karto balse ay u qalmin halkaas, sida ay ku sheegtay qoraalka ay soo dhigtay Facebook-ga.

Waxay tilmaamtay in shaqadaan ay ku muteysatay jacayl, taageero iyo sacab balse ay sidoo kale ku hogaamisay dariiqa jaahilnimada isla markaana ay saameysay iimaankeeda.

Waxay intaas ku dartay in shaqadaas ay si joogto ah u faragelisay iimaankeeda isla markaana xiriirka ay leedahay diinteeda Islaamka uu Qatar galay.

Zaira, ayaa sheegtay inay mar kasta fududahay in la iska dhaafo waxyaabaha dhaawacay nabaddaada, imaankaaga iyo xiriirka ay la leedahay Ilaahay (SWT).

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid