XIRIIRKA IYO GUURKA

Haweeney Kasta Waa Inay Waxyaabahan Guriga Ugu Sameysaa Ninkeeda

Haweeneyda waddooyin badan ayay u mari kartaa si ay farxad u siiso, waxana waxyaabo badan oo ay sameyn karto oo usoo dhoweyn doona isla markaana farxad gelin doona seygeeda.

1. Ninkaaga guriga ha ugu yimaado cunto wanaagsan. Tani waa dhaqan hore balse arrin kuusoo dhoweyn doonta seygaaga.
Nin baahan oo guriga ugu yimid cunto aad u macaan wuxuu kusii jeclaan doonaa 10 jibaar inbadan sidii horey uu kuu jeclaa.

2. Wajigaaga waa inay farxad ka muuqataa oo uu nuuraa markaad guriga joogto; ha noqon haweeney qeylo badan oo intabadan caroota; waa inay dhollacadeyn kaa muuqataa kadib ninkaaga wuuku raaxeysan doonaa inuu kula joogo.

3. Carfi hoygaaga oo ka dhig mid udgoonkiisa soo baxaya, taasi waxay keeneysa in ninkaaga dareenkiisa aad soo jiidato.

4. Isqurxi xittaa markaad guriga joogto. Muuqaalkaaga iyo jirkaaga hasoo jiitaan dareenkiisa.

5. Hadal macaan kula hadal marka uu guriga kula joogo sida aad ninkaaga usoo jiidato.

6. Hal mar muddadiiba ogoow inaad la dawato filimaanta iyo ciyaaraha uu jecelyahay.

7. Noqo qof uu jecelyahay inuu ninkeeda waqti la qaadato, la sheekeyso, ku kalsoonow naftaada oo horey haka caroon.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid