XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Arimood Oo Waajib Kugu Ah Inaad Sameyso Haddii Aad Qof Si Dhab Ah U Jeceshahay

Waxaan idiin soo gudbineynaa 6 waxyaabood oo waajib kugu ah inaad sameysid haddii aad qof si dhab ah u jeceshahay.

  1. Waa inaad xushmeysaa

Ma jeclid qof aadan xushmeyn, xaqiiqda ayaana sidaas ah. Xushmad la’aanta waa sababta ugu weyn ee jacaylka u burburo. Haddii aad dhab u jeceshahay lamaanahaaga waa inaad xushmad u muujisaa.

  1. Waa inaad la xiriirtaa

iaxiriirinta waa tiir kale uu leeyahay xiriirka lamaanaha, xirii la’aan waa burburayaa jacaylka iyo xiriirka lamaanaha, waa inaad la xirirtaa lamaantaada, midba kan kale ka dhageysto oo dareen ha siiyo baahidiisa.

  1. Waa inay kaa go’naataa

Way adagtahay in la sharxo xiriir laamaanaha leh aysan dhexda isku xiran iyagoo hadana sheeganaya inay isjecelyihiin, haddii aad dhab u jeceshahay lamaankaaga/lamaantaada, waa inaad diyaar u noqotaa inaad wax walba ku bixiso inuu xiriirkaas uu guuleysto.

  1. Waa in aadan naftaada kaliya ka fekerin

In naftaada bis aadka fekerto waa dabeecad kale oo loo baahanyahay  inaad iska tuurto marka aad qof jacayl u qaadid.

Marka aadan naftaada kaliya ka fekerin waxaad noqoneysaa mid sidoo kale ka fekera lamaantiisa/lamaankiisa.

  1. Waa in jacaylkaas aad muujisaa maalin kasta

Jacaylka jacayl maahan illaa laga muujiyaa oo lasoo bandhigaa, jacaylka waa eray ficil leh qofna si dhab ah uma jeclaan kartid adigoo aanan muujin marka haddii aad dhab u jeceshahay qof waa inaad muujisaa jacaylkaas maalin walbo.

  1. Qadarin

Qadarin la’aanta waa shay kale oo burburiya xiriirka lamaanaha muddooyinkaan, waa qalad weyn marka aad gabtid qadarinta waxay lamaantaada kuu sameyso amaba aadan nafteeda qadarin.

Waa inay kaa go’naataa inaad ku qadarisid wax kasta oo ay kuu sameyso lamaaantaada/lamaankaaga.

Haddii aad qof si dhab ah u jeceshahay waa inaad diyaar u noqotaa inaad sameyso waxyaabahan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid