Faa’iidada caafimaad ee shaaha cagaaran

Haddii aadan baraha bulshada ku arag sawirka qof haya koob shaaha midabka cagaaran leh – waxaad malaha u baahan tahay inaad (refresh) ku sameyso.
Shaaha aan ka hadleynaa? Waa matcha.
Laga soo bilaabo TikTok ilaa Instagram, dadka caanka ah ayaa gacan ka geystay inay sare u qaadaan cabitaankan, taasoo keentay in jiilka da’da yar ee Gen Z ay maqaayadaha safaf dhaadheer u galaan si ay u tijaabiyaan.
Balse matcha ma aha wax cusub. Isagoo aad uga baxa Japan, shaahan cagaaran waa mid qarniyo jira, dhaqanka Jabaaneeskana taariikh xeeldheer ku leh waxaana inta badan laga cabaa xafladaha dalkaas. Sanadihii dambe, waa la casriyeeyay, waxaana laga sameeyaa shaah kulul iyo mid qabow oo baraf lagu daray intaba, macmacaanka iyo xitaa waxyaabaha la isku qurxiyo.
Matcha waa nooc ka mid ah shaaha cagaaran oo laga sameeyo caleemo gaar ah oo ka baxa dhirta Camellia sinensis. Si ka duwan shaaha cagaaran ee caadiga ah, oo laga sameeyo caleenta budada ah iyo tan baakadda shaaha lagu dhex rido, matcha oo si daqiiq ah loo shiiday ayaa lagu dhex walaaqaa biyo kulul amaba cano.
“Shaaha cagaaran waxaa si fiican loogu dersay faa’iidooyinkiisa caafimaad, matcha-na waa uun nooc aad u adag, balse daraasado badan ayaa loo baahan yahay in laga sameeyo faa’iidooyinkeeda badan,” ayay tiri Miranda Galati, oo ku takhasustay cunnada kuna sugan Canada.
Balse matcha miyey inoogu fiican tahay sida ay baraha bulshada inooga dhigayaa?
Matcha wuxuu qani ku yahay antioxidants – maaddooyinka kaa caawiya inay jirkaaga ka ilaaliyaan dhaawaca unugyada waxayna hoos u dhigaan khatarta cudurrada daba dheeraada.
Daraasad ay daabaceen saynisyahanno ka socda Jaamacadda Konkuk ee magaalada Seoul ayaa lagu sheegay in matcha ay ku jirto ilaa 10 jeer in ka badan antioxidants marka loo eego shaaha cagaaran ee caadiga ah.
Shaaha cagaaran iyo matcha ayaa aad isugu dhow, shaaha cagaaran waxa uu kordhiyaa dhimista miisaanka sababtuna waa heerka sare ee antioxidants. Daraasaduhu waxay muujinayaan shaaha cagaaran inuu kaa caawiyo kordhinta dheef-shiid kiimikaadkaaga iyo gubashada baruurta, taasoo ay gacan ka geysato heerarka sare ee kafeynta ku jirta.
Qaadashada caadiga ah ee matcha latte (hal qaaddo oo ah budada matcha) ayaa ka kooban qiyaastii 38-176mg oo kafeyn ah. Tani waa kafeyn ka yar koob kafeega caadiga ah.
Si kastaba ha ahaatee, Galati ayaa sheegaysa in matcha loo maleynayo in ay leedahay ‘saamayn xasiloon’ oo ka badan qaxwada sababtoo ah waxa ku jira L-theanine.
“Aashitada amino-ga ee matcha waxaa laga yaabaa inay faa’iido u leedahay habdhiska dareenka, ka caawinta dhimista walbahaarka, fududaynta walwalka iyo yaraynta hurdo la’aanta,” ayay tiri.
Daraasadaha qaarkood waxay ku xireen qaar ka mid ah waxyaabaha ay ka kooban tahay matcha – oo ay ku jiraan antioxidants iyo qaybaha kale sida chlorophyll, kafeyn iyo L-theanine – oo leh horumarinta shaqada maskaxda.
Kafeyn waxaa lagu yaqaannaa inuu ka shaqeeyo habdhiska dhexe ee neerfayaasha, kordhinta dheef-shiid kiimikaadka maskaxda oo dhan, iyo sidoo kale kor u qaadista feejignaanta iyo xusuustaada.
Cilmi-baaris ay samaysay Jaamacadda Shizuoka ee Japan waxay soo jeedinaysaa in matcha laga yaabo inay leedahay faa’iidooyinka garashada.
Daraasadda, oo lagu daabacay Maktabadda Qaranka ee Daawada, waxay ku lug lahayd 12 kaqeybgalayaasha waayeelka ah – laba rag ah iyo toban dumar ah – kuwaas oo cunayay labo garaam oo budada shaaha cagaaran ah maalin kasta muddo laba bilood ah. Natiijooyinku waxay muujiyeen calaamadaha shaqada maskaxda oo soo hagaagtay.
Balse dhammaan ma wada fiicna
Si la mid ah dhammaanba waxyaabaha kale ee kafeynta laga helo, waxaa fiican in matcha si dhexdhexaad ah loo isticmaalo.
Matcha waxaa ku jira kafeyn ka badan shaaha cagaaran iyadoo qaadashada kafeyn badan ay saameyn taban kugu yeelan karto sida isku buuq, hurdo la.aan iyo wadno-garaac badan.
Kafeyn wuxuu kordhiyaa soo jeedkaaga, kaas oo loo arki karo faa’iido. Si kastaba, qaadashada xaddi badan ayaa sababi karta in jirku sii daayo adrenaline oo ah hoormoon si ku meel gaar ah u kordhiya tamarta balse sidoo kale horseedi kara inaad dareento isku buuq.
Xaddiga ugu badan ee kafeynta lagula taliyo dadka qaan-gaarka ah waa 400mg, taas oo micnaheedu yahay inaadan cabin wax ka badan hal amaba labo koob oo matcha ah maalintii.
Kuwa xasaasiyadda ku qaba kafeynta, matcha ayaa laga yaabaa inay u fiican tahay maaddaama ay ku jirto kafeyn ka yar kafeyga, iyadoo sidoo kale L-theanine-ta ku jirta ay gacan ka geysato yareynta in jirku nuugo kafeynta.
Waa maxay ‘matcha-da wasakhda ah’?
Uma xuma sida magaceeda u muuqdo. Match-ada wasakhda ah waa espresso lagu daray caano iyo matcha la isku laaqay.
Balse marka laga soo tago dhadhanka is beddelaya, tan ma kafeyn badan oo ku jirta hal koob baa?
Iyadoo match-ada wasakhda ah ay isku darsatay soo jeedka laga qaado kafeynta iyo degganaanta laga helo matcha, khubarrada nafaqada ayaa sheegaya in isku darkooda ay weli sare u qaadi karaan soo jeedkaaga. Si kastaba, waxay ku doodayaan inay taasi dhanka u wanaagsan u arkaan.
Si la mid ah cabidda matcha latte khubarrada nafaqada waxay ku talinayaan in keliya hal koob maalintii laga cabo.
Fiiro ku aaddan tayada
Iyadoo matcha ay sanadihii dambe caan noqotay, in ka badan match-ada ka baxda Japan ayaa dunida loo dhoofiyaa.
Wararka qaar ayaa xitaa saadaaliyay in dalabka kordhay uu horseedi karo gabaabsiga matcha ee labadaba gudaha Japan iyo adduunka.
Iyagoo ka jawaabayay dalabka sii kordhaya ee matcha, shirkadaha shaaha ee Japan ee kala ah Ippodo Tea iyo Marukyu Koyamaen ayaa ku dhawaaqay markii ugu horreysay inay xaddidayaan iibka matcha.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Beeraha Japan, dalkaas ayaa soo saaray 4,176 oo tan oo matcha ah sanadkii 2023 – taas oo saddex jeer ka badan intii ay dhoofisay sanadkii 2010.
Balse matcha ayaa noqoneysa mid dunida caan ka ah, sidoo kalena waxaa badanaya noocyadeeda kala duwan dhanka tayada.
Qaarkood waxaa lagu daray sokor iyo dhadhan amaba wax lagu macaaneeyo, taas oo hoos u dhigeysa faa’iidadeeda caafimaad.