LAYAABKANOLOSHA

LAYAABKA: Haweeney iibsatay Canugeeda oo maalmo dhalan si ay taleefan u iibsato

Haweeney u dhalatay dalka Nigeria oo lagu magacaabo Miracle Johnson oo 23 sano jir ah ayay ciidamada ammaanka dalkaasi xabsiga dhigeen kadib markii ay iibsatay canug yar oo ay dhashay oo 6 usbuuc uun dhallanaa.

Falkaan ayaa waxa uu ka dhacay gobolka lagu magacaabo Edo, ee dalkaasi Nigeria.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Edo, ayaa xaqiijiyay falkaan isagoo carabka ku adkeeyay in haweeneyda lagu magacaabo Miracle ay canuga ay dhashay ka iibisay xarun lagu xanaaneeyo agoonta oo ku taala magaalada Onitsha ee gobolka Anambra.

Taliyaha ayaa waxa uu sheegay in haweeneyda ay canugga yar ku iibsatay lacag dhan N200, 000 oo lacagta Nigeria ah una dhiganta 500$ oo dollar.

Waxaa la ogaaday in haweeneyda canugga iibsatay lacagtii ay kala baxday canugga yar qaar kamid ah ay ku iibsatay taleefanka gacanta ama Mobile.

Mircle oo horey u heysatay laba caruur ah oo kale ayaa eedaas dusha ka saartay ninkeeda oo ay sheegtay inuusan ka taxadarin iyada iyo caruurta kale iyadoo intaad ku dartay in falkaan ay ku qabsabtay jahwareer.

“Canugeyga waxa uu dhashay 2-dii bishii July waxana u iibiyay niyad jab iyo jahwareer, ninkeeyga ma awoodo inuu wax nasiiyo,” ayay tiri.

“ Saaxiibteey ayaa igu tiri maadaama ninkaaga uusan wax didin siin Karin ama idin daryeeli Karin canuga iibi kadib lacagta waxaad siineysaa ninkaaga si uu ganacsi ugu bilbaabo una iibsado mooto,”

“Laba todobaad kadib way igu soo laabatay ma ogeyn waxa igu dhacay sidaa darteed waxaan alaab ku qaatay boors waana baxay,”.

“Waxan canugeyga ka iibiyay xarun lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah oo ku taala Onitsha, maamulka xaruntaas waxay canuga iga siiyeen N200,00 OO LACAGTA Nigeria Ah, waxana hadda kusoo iibsaday taleefan bis  ma rabin inaan canugeyga iibiyo balse naag lagu magacaabo mama Joy ayaa igu qasabtay inaan sameeyo arrintaas,” ayay tiri.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid