XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Calaamadood Oo Lagu Garto In Ninka Uusan Kugu Jecleyn Arrimo Gaar Ah

Shabakadda Aayaha Online, waxay idiin soo gudbineysaa calaamadaha lagu garto in ninka uusan kugu jecleyn arrimo gaar ah.

  1. Wuxuu aqbalaa cilladaada

Ma jiro bini aadam dhinac walbo ka dhammeystiran haddi la yiraahdo waala raadinaana la arki mayo, ninka sida dhabta ah kuu jecel wuxuu kugu qaataa cilladahaaga, wuxuu ogyahay in cilladaha ay qeyb ka yihiin nolosha bini aadamka wuuna kugu qaataa isagoona dadaal badan kusii bixiya sidii aad u noqon lahayd qof wanaagsan.

  1. Kulama barbar dhigo

Marka uu nin naag u jecelyahay si dhab ah, ciladaheeda iyo qaladaadkeeda wax caadi ah ayuu u arkaa; wuxuu door bidaa inuu iyada heysto intuu qof kale dooran alahaa, sidaa darteed lama barbar dhigo haweenka kale, la barbar dhigidda waxay keentaa waxyaabo aanan wanaagsaneyn.

  1. Dadaal ayuu ku bixiyaa inuu xiriirka shaqeeyo

Marka uusan dhab kuugu jeclayn qofka aad tahay iyo shaqsiyadaada dhaqankiisa ayaad ka garaneysaa iyo sidaa uu kuula dhaqmo, marka xaaladda sidaa way ka duwantahay marka uu dhab kuu daneynayo; wuu ogyahay inuu ku qiimeeyo adiga iyo xiriirkaba, dadaal badan ayuu ku bixiyaa si xiriirka uu uwanaagsanaaado.

  1. Waa kugu faraxsanyahay

Qaar kamid ah ragga way ka xishoodaan lamaanayaashooda, taasina waa tilmaanta inuusan ku jecleyn shaqsiyaddeeda iyo sida ay tahay, hal wax uu jacaylka leeyahay ayaa ah awood uu ku daboolo xishoodka; marka uu nin si dhab ah u jecelyahay gadahiisaa mar kasta waaku faraxsanyahay, haddii uu kaa xishoodo dabadeed xiriirka uu leeyahay dan ayuu ku wataa.

  1. Samir

Samirka xiriirka ayuu ka shaqeysiiyaa; nin si dhab ah kuu jecel wuxuu leeyahay Samir uu xiriirka uga dhigo mid shaqeeya, si buuxda ayuu ugu samrayaa si xiriirka uu uga gudbiyo marxaladaha adag; waa nin marxalad walba ku samra si xiriirka u guuleysto, waana nin dulqaad badan.

Heysashada nin aanan arrimo gaar ah kugu jecleyn sida galmo iyo waxyaabo lamid ah waa aragti wanaagsan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid