XIKMADOXIRIIRKA IYO GUURKA

Xikmado jacayl oo loogu talagalay qof walba oo jacayl uu haayo

Jacaylka waa wax aanan marnaba ka daaleynin marka aad weysid jacaylka waxaad weysay qeyb weyn oo kamid ah noloshaada.

Aayaha Online, ayaa waxa ay soo xushay xikmado jacayl oo dhab ah, waxana go’aansanay inaan idinla wadaagno si aad ugu xoojisaan jacaylkiina xittaa haddii aadan jacayl heysan  waxaad rajeyneysaa inaad heshid qof si dhab ah kuu jecel maalin maalmaha kamid ah marka xikmadahaan adigaa laguugu tala galay.

1- Jacaylka dhabta ah ma ahan sida aad u cafisid balse waa sidaad u hilmaamtid mana ahan waxaad aragtid balse waa waxaad dareentid, mana ahan sida aad u dhageysatid ee waa sidaa u fahamtid mana ahan midaad ogoshahay inuu ku dhaafo ee waa mid aad qabsatid.

  1. Jacaylka dhabta ah ma ahan in gacmaha la isqabsado balse waa in qalbiyada la isku hayo sidoo kale.
  2. Xasuusta jacaylka dhabta ah waa sidii hees aad loo jecelyahay loona xiiseeyo dhib malahan inta mar ee aad dhageysatid marnaba kama caajiseysid.
  3. Xiddiga jacaylka dhabta ah waa mid aanan waxba ogeyn kaas oo waligiis jiri doona
  4. Jacaylka dhabta ah waa ogaanshaha qaladka qofka iyo inaad si xad dhaaf ah usii jeclaatid.

Jacaylka waa inuusan noqon mid aan dareeno oo kaliya balse uu noqdo qeyb kamid ah nolosheena xusuuso inaad kalgaceyl tustid qofka aad sida dhabta ah u jeceshahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid