XIRIIRKA IYO GUURKA

Tilmaamaha Lagu Garto Qofka Uu Haayo Jaceyl Dhab ah

Akhristayaal, Daraasaddo dhawr ah oo ay sameeyeen Xeel dheerayaasha ku Takhasusay arrimaha Jacaylka, ayaa Shaaciyay Astaamaha Gaarka u ah ee lagu garto Qofka jacaylka dhabta ahi hayo, taas oo aad ku garan karto haddii aad isku aragto Astaamahan in Jacayl dhab ahi ku hayo.

1- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli wuxuu u ilaaliyaa una sharfaa Lamaanaha kale ee uu jecel yahay, si ka badan sida uu u Daryeelo Naftiisa.

2- Qofka Jacaylka Rasmiga ahi haleelaa si dhab ah ayuu u ilmeeyaa, mar kasta oo uu Xasuusto Lamaanaha uu u jecel yahay.

3- Mar kasta oo uu soo dhaco Talefoonkiisu Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu aad u door bidaa in uu noqdo Codkii Lamaanaha uu sida Dhabta ah u jecel yahay.

4- Haddii uu ogyahay halka uu joogo Lamaanaha uu jecel yahay masaafaday doonto ha jirtee wuu u boholyoobaa waanu u tagaa.

5- Haddii Lamanaaha aad jeceshahay uu la socdo Qof kale, waa inuu muuqaalkeedu uu si gaar ah kaaga soocnaadaa Bidhaan ahaan Dadka kale.

6- Marka uu ku soo eego Lamaanaha aad jeceshahay ee ay indhihiinu is qabtaan waad Naxdaa, Wadnahaaaguna si aan caadi ahayn ayuu u sii kordhaa Garaaciisa.

7- Qofka jecaylku dhabta ahi hayaa kuma dhiirado in uu si caadi ah ula hadlo Lamaanaha uu jecel yahay, mar kasta oo uu la hadlana waxa uu dareemaa Naxdin saa’id ah Kalgacal awgii.

8- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli mar kasta Qalbigiisa wuxuu ku lamaanan yahay Lamaanaha kale ee uu sida Xaqiiqda ah u jecel yahay.

9- Qofka wax jeceli uma Quuro Lamaanaha uu jecel yahay Been, Khiyaamo iyo Quursi, guusha horumarka noloshiisana wuxuu u arkaa isaga oo ku Guulaysiga Kasbashada Jacaylka Lamaanaha uu Jecel yahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid