XIRIIRKA IYO GUURKA

Hadaad 5 Sifo Ku Xulaneysid Lamaanahaaga, Maxay Noqon lahaayeen?

Qof kasta waxbuu ku xushaa lamaanihiisa, balse haddii aad ku dooraneysid lamaanahaaga shantaan sifood ee waaweyn midee ku dooran lahayd?

Ha Iska Deyn Lamaanahaaga Haddii Ay Leedahay Afartaan Sifood

Hoos ka eeg siffooyinka aad ku dooran lahayd lamaanahaaga ee aad isleedahay waa lagama maarmaan.

  1. Caqli— Anigu nin ahaan waxaan leeyahay caqli sidaa darteed lama saldhigan karo ama ma guursan karo haweeney aanan aniga ila mid ahayn.

Haweeneyda aan doonayo waxaan ka rabaa inay u dhaqanto sida aniga aan u dhaqmo oo kale.

  1. Dulqaad — mararka qaar waan qaldami karaa ama waxbaa iga xumaan kara marka waxaan rabaa haweeney iigu dulqaadata oo aanan iga daba xumaan.

Sidaa darteed, dulqaadka waa mid kamid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee aan ku xulanayo gabadha aan guursanayo.

  1. Ixtiraam— waxaan jeclahay in leey ixtiraamo , I ixtiraam anigana bedelkeeda waan ku ixtiraami doonaa.

Waan necbahay in xushmad darro la igula dhaqmo hab kasta. Haddii aan haweeney guursanayo, waa inay diyaar u noqotaa inay I ixtiraamto sida ninkeeda.

  1. Gabar madadaalo leh — waxaan sidoo kale jeclahay inaan qoslo, waxana doonayaa inaan taas la wadaago haweeneyda aan nolosha la wadaagayo.

5. Diin — Xulashada haweeney diin leh waxaad ka heleysaa waxyaabo badan oo qiimo leh. Waxaa kamid ah in qoyskaagu noqonayo qoys Alle SWT u dhow maadaama uu ku dhisanyahay Alle ka cabsi. Sidaa darteed marka uu qoyskaagu u dhowyahay Ilaahay SWT, waxaad ku noolaaneysaa nolol xasilan oo farxad leh.

FG: Sifooyinkan waxaa nala wadaagay oo lamaanihiisa ku xulanaayo mid kamid ah aqristayaasheena.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid