CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

Wax Ka Ogoow Faa’idooyinka Caafimaad Uu Leeyahay Diinsiga & Cuduro Lama Filaan Ah Oo Lagu Daaweeyo

Diinsi waad maqashay ama waxaad aragtay dad isticmaalaya waxaasa laga yabahaa in aadan ogeyn Faidooyinka u leyahay diinsika.

Diinsika waa geed ka baxa geeska africa waxaana isticmaala dadka Soomaalida aygoo ogaaday faaidooyinka u leyahay diinsiga.

Cilmi baariyaal u dhashay Soomaali ayaa ku guleystay in ay ogadaan faaidooyinka u leyahay diinsiga kuwaas oo markii danbe caalamka u soo bandhigay.

Aniga shaqsi ahaan waan argay faaidooyinka u leyahay diinsig iyo in u yahay antibiotics waxaan idinla wadaagayaa sheeko na dhaxmartay gabar bukaan ah.

Maalin dhaweed waxaa ila soo xariirtay gabar oo igu tidhi meesha xubinta taranka hore ayaa iga soo baxday wax u eg buro ayna wal walsan tahay.

Markiiba waxan u sheegay in aysan wal walin waxna aysan aheen buro oo ay tahay biyo xiray qanjirka baratholin glands kaas oo malax yeeshay sidoo kale waxaan ku idhi qaado antibiotics.

Malin kadib ayey igu soo noqtay gabadhii waxay ii sheegtay in aysan qaadan antibioticskii oo ay isticmaashay diinsi kana dilaacay malaxdii.

Waxaan weydiyey sidii ay u isticmaashay diinsiga waxay ii sheegtay in ay cabeysay isbuuc kadibna ay marineysay meesha soo buuratay ee afka hore ee taranka,halkaas waxaad ka argeysaa diinsiga in u yahay dawo .

#Maxaa_____lagu_____daweyaa_____diinsiga ?

Diinsiga waa antibiotics,antibioticna waxaa lagu daweeyaa infection noocyadiis kala kadisan,diinsiga na waa saas oo kale in kastoo u ka xoog badan yahay diinisga oo u bahan yahay in aad wax ku darsatid.

#Diinsiku________wuxuu______dawo___u_____yahay

-Calool xanuunka
-Cirad xanuun
-Cun cunka
-Caado wareerka
-Hargabka
-Meelaha malaxda ku jirta
-Boogaha
-Shubanka
-Gooryanka
-Qumanka
-Maqaarka

#Qabkee___loo_____isticmalaa ?

Dinsiga asgoo budo ah ayaa la helaa waxaadna ku darsan kartaa shaha,caanah,biyaha, sidoo kale meesha nabarka ka soo baxa ayaad marin kartaa adigoo qoynaya oo ku daraya saliid ama biyo .

Hadii aad horay u isticmaashay diinsiga waad ila wadaagi kartaa qibrada aad u leedahay ?

#NB:Gobalada Soomaalida qarkood Diinsiga waxay u yaqanaan LIKE

W/Q Dr Cadceed

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid