XIRIIRKA IYO GUURKA

Saddex Waxyaabood Oo Ku Saabsan Guurkaaga Waa Inaadan U Sheegin Saaxiibadaa

Dabeecad ayay u tahay intabadan dadka in siraha xiriirkooda ama guurkooda ay la wadaagaan saaxiibadood.

Si’kastaba, ma ogtahay inay jiraan waxyaabaha qaar oo ku saabsan xiriirkaaga oo ay tahay inaadan u sheegin saaxiibadaa?.

Arintaas waa laga digay sababtoo ah saaxiibkaa waxa uu kaaga dhigi doonaa midaad dib uga shalaayso.

1. Noloshaada dhanka sariirta

Sida uu lamaanahaaga ugu wanaagsanyahay sariirta, iyo qaababka aad iskugu galmootaan ama uwada raaxeysataan.

Warbixinadaas oo kale waa si walba la iska ilaaliyaa markaad saaxiibadaa la joogtid. Dadka dhankaas ka dhiban intooda badan oo dumarka; waxay arrimahaas la wadaagaan saaxiibadood iyadoo xumaan aysan ka ahayn balse ay ku amaanayaan gacaliyayaashooda.

Si’kastaba, waxyaabahan waa inaadan la wadaagin saaxiibadaa isla markaana aad iska ilaalisaa dhibaatooyin mustaqbalka ka dhalan kara.

2. Dhibaatooyinka dhaqaalaha

Marar qaar, lamaanaha uu xiriirka ka dhexeeyo waxay wajihi karaan dhibaayooyin dhaqaale.

Markay xaaladdaan soo iof baxdo, waa in labada lamaane ay si wadajir ah u shaqeeyaan si ay u xaliyaan arrintaas.

Wax wanaagsan ma ahan marka labada lamaane mid kamid ah uu dhibaatadaas la wadaago saaxiibadeed ama saaxiibadiis, maadaama taas loo arki karo fal qiyaano ah oo lagula kacay lamaanaha kale.

3. Waaya aragnimadii hore ee lamaanahaaga ama waxyaabihii kusoo dhacay

Marka laba qof ay xiriir wadaagaan, mar kasta waxay wadaagaan qibradohoodii hore sababtoo ah kalsoonida ka dhaxaysa.

Waaya aragnimadii hore ama waxyaabihii hore ee kusoo dhacay waa mid aad ugu weyn lamaanahaaga isagoo laga yaabo inuu doonayo inaadan cid kale la wadaagin.

Waa xanuun in lamaanahaaga ay saaxiibadeed uga sheekeyso waxyaabihii hore ee kugu soo dhacay ee aad uga sheekeysay.

Tabi waxay burburin doontaa kalsoonida ka dhaxaysa labada lamaane.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid