XIRIIRKA IYO GUURKA

6 Sabab oo gabar kasta ay u jeceshahay in la faaniyo

Xaqiiqda jirta ayaa ah in gabar kasta ay jeceshahay amaanta ama in la faaniyo.

Haddii aad tahay nin ku wanaagsan amaanta haweenka waxaa hubaal ah in haweeneydaada aysan kaa caroon doonin.

Hoos ka aqriso 6 sabab oo haweenka ay amaanta u jecelyihiin.

  1. Waxay dareentaa inay qiimo leedahay

Haddii aad faaniso ama amaanto gabar, waxaad dareensiisay inay qiimo leedahay; waxay dareentaa inay qiimo weyn ku fadhiso oo aysan ahayn qof raqiis ah.

Haweenka aanan helin amaanta waxaa la tilmaamaa inay yihiin kuwo ay kalsoonidooda hooseyso, halka haweenka ammaanta hela ay yihiin kuwo kalsoonidooda ay sareyso.

  1. Waxay dareentaa qadarin

Haddii aad amaanto haweeney, waxaad dareensiisay qadarin. Haweenka waa jecelyihiin in la qadariyo.

Marka ay ogtahay inaad qadariso waxaad dareensiisay farxad. Ammaanta iyo farxadda haweeneyda waa kuwo isku dhinac ah.

  1. Waxay tuseysaa inaad il gaar ah u leedahay

Marka aad amaanto haweeney, waxay tuseysaa inaad il gaar ah u leedahay isla markaana aad la soctid.

Haddii ay tinta qaab cusub usameysato ama ay hagaagsato ammaan, haddii ay labis wanaagsan qaadato faani, haddii Make-up-keeda uu hagaagsan amaan.

Marka ay dareento inaad ilgaar ah uleedahay way ku farxeysaa. Haweeney kasta waxay jeceshahay in dareen la siiyo.

  1. Waxay arkeysaa inaad daneyneyso

Markaad faaniso gabadha, waxaad dareensiisay inaad daneyneyso. Marka aad daneyso way ku farxeysaa.

Mararka qaar haweenka waxay wax u sameeyaan si ay u tijaabiyaan inaad daneyneyso. Haddii aadan markaas amaanin fariinta aad siisay ayaa ah inaadan daneyneyn.

  1. Haweenka koolkoolin ayay jecelyihiin

Haweenka waxay jecelyihiin in la koolkooliyo, waxay jecelyihiin in sida ukunta loo ilaaliyo, waxay jecelyihiin in la daryeelo.

Haddii aad koolkooliso waxaad tustay inay kugu weyntahay , haddii aad faanisana waadba kool-koolisay

  1. Way jecelyihiin ninka jacaylka wax ka yaqaan

Ragga jacaylka wax ka yaqaan way adagtahay in la helo; haweenkana waa jecelyihiin raggaas.

Inaad faaniso haweenka waxay tuseysaa inaad tahay nin jacaylka wax ka yaqaan.

Hal sir oo aad mar kasta ku ilaalin karto farxadda gabadhaada ayaa ah inaad faaniso. Amaanta waxay ka dhigtaa mid mar walbo faraxsan; balse ma ahan iska amaanid ee waxay tahay inaad wax micno leh ku amaanto.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid