XIRIIRKA IYO GUURKA

Waa tan sababta dumar badan ay mar waliba u jeclaadaan rag xun

Qarnigaan aanku jirno dumarka waa kuwo wajaha xaalad adag waxaana u sabab ah inay jeclaadaan rag xun.

Tani waa dhibaato maalin walba saameysa haweenka. Waxaa dhibaatada haweenka qaar kusii kordhiya inay mar kale sameeyaan isla qaladkii marka ay ka bad baadaan xiriir xun.

Si’kastaba, Intii dusha laga saari lahaa qaladaadkan waa inay bartaan sida la iskaga ilaaliyo xiriir noocaas ah.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha badankood ka dhiga kuwo jeclaada rag xun.

  1. Kafiirsasho la’aan

Haweenka badankood waa kuwo dabin u gala rag xun waxaana taas sabab u ah waxay dareemaan in ninka markaas uu rabo ama u baahanyahay, iyagoo aanan ka fiirsan ama si taxadar la’aan ah hore uga raaca.

Xittaa haddii ninka uu cadeeyo inuu kuu baahanyahay, waa inaad xaqiijisaa marka hore inuu daacad yahay ama uu dhab ka yahay rabitaanka isla markaana uu yahay qof mustaqbal u baahan.

  1. Waad necebtahay inaad muddo dheer kalinimo ku noolaato

Inaad kalinimo ku noolaatid ma ahan dambi. Dhibkaan waa mid saameeya badanaa haweenka; tan iyo marka ay guursadaan saaxiibadeed waxay iyadana dooneysaa inay lamid noqoto isla markaana ay guursato.

Natiijada taas ka dhalata ayaa noqota in markaas ay dabinka u galaan rag xun.

  1. Waxaad aaminsantahay in jacaylka uu qof bedeli karo

Aaminsanaanta in jacaylka uu bedeli karo qof waa mid kamid ah fikradaha ugu xun ee haweenka badankood halista galiya isla markaana sababa inay dabinka ugu dhacaan qof xun.

Dadka iyaga ayaa isbedeli kara marka ay doonaana ama ay rabaan. Jacaylku wuxuu qof ka dhigi karaa kaliya mid wanaagsan balse kama bedeli karo qofka uu yahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid