XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Talo Oo U Wanaagsan Xiriirka Lamaanaha

SiĀ  guurka u noqdo mid guuleysta waxaa jiraan waxyaabo loo baahanyahay in lamaanayaashu sameeyaan oo isku soo dhoweynaya.

Waa kuwaan qaar kamid ah talooyinka xoojiya xiriirka lamaanaha isla markaana isku soo dhoweeya.

  1. Ha isku dayin inaad aqriso maskaxda seygaaga/xaaskaaga

Marka seygaaga ama xaaskaaga ay u muuqato inaysan wanaagsaneyn, ha isku dayin inaad aqriso maskaxdeeda si aad u ogaato dhibka heysta waxa uu yahay.

Isku dayidda inaad aqriso maskaxdeeda ama maskaxdiisa ma ahan mid shaqeysa mar kasta sidaa darteed inaad weydiiso waxa ka qaldan ama dhibka heysto waa fikradda ugu wanaagsan.

  1. Sameysta waqti aad ku wada hadashaan

Marka lamaanuhu isguursadaan, inay isku helaan waqti ay uga wada hadlaan arrimaha dhibaatada leh mararka qaar way adagtahay.

Si kastaba, inay waqti sameystaan isla markaana ay uga wada hadlaan arrima kasta oo soo wajaha lamaane ahaan waa arrin aad muhiim u ah.

  1. Cafis

Xalka waa wax aan suurtogal ahayn haddii aadan rabin ama aadan awoodin inaad iscafisaan. Waa inaad noqotaan kuwo iscafiya.

In lamaanaha ay iscafiyaan waa guusha guurka waxay ka dhigantahay inaad wanaagga u doorteen guurkiina si uu horey ugu sii socdo isla markaaana u noqda guur tiirar adag leh oo guuleysta, marka lamaanaha inay isku cafiyaan qaladaadka waa arrin aad u wanaagsan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid