XIRIIRKA IYO GUURKA

3 Qaab Oo Loo Dhaqi Karo Xaas Kibir Badan

Helidda xaas ixtiraam badan, kalgacayl leh oo dadaal badan waa waxa ragga oo idil ay ku riyoodaan.

Waxay noqon kartaa arin dhibkeeda leh inaad ogaato gabadha aad calmatay inay tahay mid kibir badan ama isla weyn.

Si kastaba, taas kama dhigna inaan la jeclaan Karin gabadha noocaas ah. Waxaa jiraan waxyaabo fudud aad sameyn kartid si aad dib ugu soo celiso iftiinka guurka.

Waa kuwaan 3 talo oo kaa caawinaya inaad dhaqato xaas kibir badan.

  1. La-talin guur

La-talinta guurka waa wax bedeli kara lamaanahaaga. Waxaad talo ka raadsataa la-taliyayaasha guurka haddii aad aragtid in lamaanahaaga aysan dooneyn inay dhageysato fekerkaaga.

La-tali iyada kahor intaadan caawinaad ka raadsan qubarada ku takhasusay arimaha guurka si aad u guurkaaga uga bad baadiso burbur.

  1. Iska dhaga tir

Ha siinin wax dareen aad ah ama dan ah haddii aad xaqiiqsato inay tahay kibirleey. Waxaad isku mashquulin kartaa oo aad diiradda saari kartaa ganacsigaaga iyo howlahaaga kale marka ay bilaawdo inay u dhaqanto qaab kibir ah ama isla weynin ah.

Waxay u badantahay inay isbedesho oo ay iska bedesho qaabkaas iyo waxyaabaha ay sameyneyso haddii ay aragto inaadan wax dan ah siineyn.

  1. La-hadal

Isgaadhsiinta waa furaha caafimaadka xiriirka. Hadalka ayaa bad baadin kara guur qarka u saran burbur.

Sameey waqti aad ugala hadashid dhaqanka noocaas ah ee aad ku dhibsatay. Haka xishoon inaad muujiso dareenkaaga ku aadan xiriirka.

Lamaanahaaga ha ogaato inaad qiimeyneyso balse ay u baahantahay inay bedesho qaabka ay wax u wado ama u dhaqanto.

© Aayaha

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid