XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Qaabood Oo Lagu Caawiyo Saaxiib Ku Jiro Guur Xun

Xiriir halis ah wuxuu noqon karaa qalbi jab. Waxaad leedahay saaxiibo badan oo aad ku jiro xiriir xun balse ay ku adagtahay inay ka tagaan.

Way kasii adagtahay marka saaxiibkaa aad u jecelyahay lamaanaha isla markaana ay ku adagtahay inuu isaga/iyada la’aanteed noolaado.

Waa kuwaan 5 siyaabood oo lagu caawiyo saaxiib ku jiro xiriir xun.

  1. Ha iska ilaalin

Saaxiibka dhabta ah had iyo jeer waa kan kuu heelan. Ha iska fogeyn saaxiibka wanaagsan.

Waa inaad heshaa qaabab aad ku caawin karto saaxiibkaas wanaagsan marka waxyaabaha u shaqeyneyn sidii uu rabay.

Kula tali saaxiibkaas wanaagsan inuu is adkeeyo haddii guurkaas uu u qalmo in loo dagaalamo.

  1. Dhageyi

Way wanaagsantahay inaad dhageysato dhibaatooyinka heysta saaxiibkaa. Dhageysiga waxay tuseysaa inaad ka walwaleyso.

  1. Naxariis u muuji

Saaxiibka naxariista leh waa saaxiib dhab ah. Markaad la macaamileyso saaxiib ku jiro xiriir xun, waxaa muhiim ah inaad iska ilaaliso inaad ula dhaqanto qaabab xun oo aanan wanaagsaneyn.

U muuji naxariis oo gacan sii sababtoo ah wuu istaahilaa oo waa saaxiib wanaagsan.

  1. Isgaadhsiin

Isgaadhsiintu waa fure markaad xallineyso dhibaatooyin dhanka guurka ah ee heysta saaxiibadaa.

Xaqiiji inaad sii wado isgaadhiinta joogtada ah ee aad la sameyneyso si aad u ogaato marxaladda ay ku suganyihiin.

Markaad la xiriirto waxaad ogaan doontaa waxa aad sameyneyso si aad u caawiso saaxiibka.

  1. Qaladaadka saaxiibkaa

Qaladaadku waa kuwo daciifin kara qofka. Intaad farta ku fiiqi lahayd qaladaadkiisa/qaladaadkeeda, ka caawi iyada/isaga siduu isku adkeyn lahaa isla markaana u dagaalami lahaay kadib la kulanka jahwareer badan.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid