XIRIIRKA IYO GUURKA

Su’aalaha Gabdhuhu Ay Aadka Ujecelyihiin Inay Weydiiyaan Raggooda

Gabdhuhu waa kuwo mar kasta qaba su’aalo ay rajeeyaan inay weydiiyaan raggooda balse ay suurtagal tahay inay ka cabsadaan sababo la xiriira jawaabaha laga siin karo.

Ma ahan fikrad wanaagsan in su’aalaha aad heysato maxaa yeelay waxay go’aamin karaan haddii xiriirkiina uu waari doono iyo haddii kale.

Waa kuwaan su’aalaha gabdhaha ay si qarsoodi ah ugu dhimanayaan inay weydiiyaan raggooda.

  1. Weligaa dambi ma gashay mise lagu xiray?

Tani waxay noqon kartaa su’aal qosol leh in la isweydiiyo balse waa arrin aad muhiim ugu ah nabadgelyada xiriirkaaga.

Ma rabtid inaad xiriir la yeelato dilaa halis ah ama tuug. Waa muhiim inaad ogaato haddii ninkaagu dambiile yahay iyo inkale.

  1. Miyaa Deyn lagugu leeyahay?

Waa muhiim in lamaanahaaga aad weydiiso haddii deyn lagugu leeyahay. Inaad xiriir la yeelato lamaane lagu leeyahay deyn farabadan waxay keeneysaa dhibaatooyin dhaqaale oo daran taasoo si daran u saameyn karta guurkaaga.

  1. Maxay tahay lambarka sirta taleefankaaga?

Marka arrimo kalsooni darro ay heystaan guurkaaga, waa inaadan ka xishoon in lamaanahaaga aad weydiiso lambarka sirta taleefankiisa.

Tani waxay u ekaan kartaa edeb darro balse waa inuusan waxba kaa qarin.

Si kastaba, haweenku wayku adkaataa in su’aashan ay weydiiyaan lamaanayaashooda.

  1. Miyaad saaxiib la tahay haween badan?

Way fiicantahay in su’aashan aad weydiisid billoowga xiriirkiina. Tani waxay kaa gacan siineysa in wax walbo kuu kala cadaadaan oo aad kala ogaatid gaar ahaan haddii kalsoonida ay dhibaato ku noqoto xiriirka ama guurka.

© Aayaha

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid