“Aniga oo 9 sano jir ah ayaa gabadha walalkay ka dhintay lagu qasbay inay i sugto”

Haween badan oo Soomaali ah ayaa marka uu seygooda dhinto waxaa guursada walaalaha seygooda amaba qof qaraabo dhow la ah. Guurkaas oo loo yaqaanno (Dumaal) wuxuu noqon karaa mid haweeneyda lagu qasbo oo loogu hanjabo haddii ay diiddo in carruurta laga reeban doono, amaba mid ay iyadu raalli ka tahay.
Fowsiyo Cumar oo ah hooyo leh 10 carruur kuna nool mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee magaalada Garowe, iyadu laguma qasbin in la dumaalo, laakiin waxay heshiiyeen oo ay is guursadeen seygeeda walaalkiis oo u sheegay inuu carruurta la korin doono.
“Labadii bilood ee ugu horreysay ayuu si wanaagsan ila dhaqmay, laakiin kaddib wuxuu ii sheegay inuusan awoodin inuu ubadka ila koriyo, kuweygaba tabar uma hayo. “ayuu igu yiri.
Axmed Ismaaciil oo ah dhaqan-yaqaan ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa ku soo koobaya saddexda arrimood:
- Haddii uu nin geeriyoodo, si ubadkii iyo xaaskii uu ka tegay loo daryeelo, waxaa loo gacan gelin jiray ninka ugu dhow oo sida badan ah walaalkii, haddii uusan walaal lahayna waxaa guursna jiray ina-adeerkiis.
- Haddii uu reerka xoolo leeyahay, waxaa la diidi jiray in xoolahaasi ay ced kale iska dareersato.
- Waxaa dhici jirtay in reerka uu ninku ka dhintay ay dhahaan “Haddii aan reer hebel nahay ma oggolaaneyno in hantideenna “haweenka” ay ced kale u soo gasho” sidaas darteed ayay haweeneyda laga dhintay ugu guurin jireen nin kale oo xigto ah.
Haddii ninka geeriyooday ay la dhasheen wiilal yaryar oo aan qaan-gaar ahayn, waxaa haweenka mararka qaar lagu qasbi jiray inay sugaan mid ka mid ah wiilashaas. Axmed qudhiisa ayayna arrintaasi ku dhacday.
“Aniga oo qiyaastii siddeed ama sagaal jir ah ayaa waxaa dhacday in walaalkay oo xaas lahaa uu geeriyoodo, waxaa xaaskiisii lagu qasbay inay aniga i sugto, laakiin muddo kaddib way i sugi weyday oo nin kale ayay iska guursatay.” ayuu yiri.
Faadumo Xasan oo ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa aaminsan in inkastoo ay jiraan dad ku faa`iiday guurka Dumaasha, haddana ay haween badan u arkayeen inay tahay wax iyaga lagu qasbayo oo aysan oggoleyn.
“Dumarka waxaa qasbi jiray reerka uu ninku ka soo jeedo, qasab ayaa lagu dumaali jiray oo way silci jirtay” ayay tiri.
Mararka qaar waxaa haweenka u furan inay diidaan in la dumaalo, laakiin waxaa inta badan dhici jirtay inaan carruurta lala korin, sida ay Faadumo sheegtay.
“Aniga qudheyda markii uu odaygeyga dhintay waxaa la ii soo jeediyay in la i dumaalo, laakiin waan diiday, aniga ayaana carruurteyda korsaday.”
BBCSomali