XIKMADO

Farriimo Jacayl Oo Qurux Badan – Kusoo Jiido Wiil Ama Gabar Qofkaad Jeceshahay

1. Waanku jeclahay, mar waliba qalbigeyga kama bixi doontid haddii aad ila joogtid ama aad meel kale aadid, haddii aad ii dhowdahay ama aad iga fogtahay, meel kasta oo aad tagto jacaylkeyga aan kuu qabo waa mid jiri doona.

2. Dhaqtarka wuxuu bad baadin karaa nafteyda haddii alle qadaro. Qareenka wuxuu difaaci karaa nolosheyda. Askariga wuxuu u dagaalami karaa nolosheyda balse adiga kaliya ayaa I siin kara micnaha dhabta ah ee nolosha. Waanku jeclahay.

3. Si bini aadamku u bad baado wuxuu u baahanyahay, cunto, hawo iyo biyo. Waxa kaliya ee aan anigu u baahanahay ayaa ah inaad laabta igeliso ii dhoollacadeyso oo aad I dhunkato. Waanku jeclahay.

4. Waxa ugu fiican ee aan rabo ayaa ah in jacaylkeena quruxda badan uu waaro isla markaana aan isla qaadano inta noloshena ka dhiman oo aan wada dhimano inagoo isjecel.

5. Waqti kasta oo aan ku arko waxbaan ka dareemaa qalbigeyga waa sida olol oo kale adigana ogoow inaan aad kuu jeclahay.

6. Shalay waanku jeclaa, maanta waanku jeclahay, wali waanku jeclahay, intaan noolahayna waanku jeclaan doonaa, dunida nabad ku joog, ogoow jacaylkaaga inaan ku dhimanayo.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid