XIRIIRKA IYO GUURKA

Talooyinka Xiriirka Ee La Qaato Kahor Intaadan Qof Jacayl U Qaadin

Marku qof ka helo qof kale mar kasta waxaa suurtagal ah in qofkaas isaga/iyada uu jacayl qaado.

Had iyo jeer waxaa wanaagsan inaad aqriso qaar kamid ah talooyinka kahor intaadan qofka jeclaan.

Talada waxbadan ayay kaa caawineysaa markay noqoto inaad sameyso go’aano muhiim ah.

Waa kuwaan qaar kamid ah talooyinka la qaato kahor intaadan qof jacayl u qaadin.

  1. Marka hore saaxiib noqda

Kahor intaadan ku boodin shukaansiga qof, mar kasta waxaa wanaagsan oo muhiim ah inaad saaxiibo noqotaan.

Markaad saaxiib noqotaan waxaad heleysaa waqti wanaagsan oo aad ku barato qofkaas adigoo sidoo kale ogaanaya waxa uu jecelyahay iyo waxa uusan jecleyn.

  1. isdeji oo iska ilaali go’aano deg deg ah

Marka qofku ku dhaco jacayl wuxuu u nugulyahay inuu qaato go’aano deg deg ah oo aanan laga fiirsan ama laga fekerin.

Haddii aad qaadato taladaan kahor intuusan jacaylku kugu dhicin ama aadan qofka jacayl u qaadin waxay kugu hagi doontaa sida ugu wanaagsan ee aad waqti u qaadaneyso isla markaana uga fakareyso wax kasta marka ay timaado inaad sameyso go’aano muhiim ah.

  1. Feejignaan

Intabadan jacaylku wuxuu si fudud kaaga dhigi karaa indho la’aan isagoona kuu qari kara cilladaha xun xun ee uu qofku leeyahay.

Si kastaba, mar kasta waxaa qofka u wanaagsan inuu feejignaado si aanan hadhoow loo dhaawicin.

Ka feejignoow qofkaad jeclaaneyso oo iska eeg dhaqamada xun ee uu leeyahay si aadan hadhoow u shalaaynin.

Related Articles

One Comment

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid