XIRIIRKA IYO GUURKA

5 Qaabood Cajiib Ah Oo Aad Ku Ogaan Karto Haddii Ay Gabadha Ku Rabto

Maka shaki qabtaa in haweeney wanaagsan oo aad agtaada ku aragto ay ku rabto? Hagaag run ayay noqon kartaa inay ku rabto balse kuma dhiiran karto inay waji kawaji kuugu sheegto.

Hoos ka akhriso 5 siyaabood oo lagu ogaado haddii ay gabadha ku rabto.

1. Ma jeclo inaad la haasaawdo haween kale

Hadda waad ogaan kartaa inay ku rabto ama ay ku jeceshahay haddii aysan ku faraxsaneyn shukaansi ama inaad xiriir la yeelato haween kale.

Intabadan way kaa tageysaa haddii aysan rabin inay ku aragto adigoo haween kale la jooga.

2. Saaxiibadeed ayaa ku tilmaama

Haddii ay ku rabto, fursadda ayaa ah inay u sheegtay saaxiibadeed. Sidoo kale waxay ku weydiin karaan waxaad aaminsantahay saaxiibtood.

3. Kama cabsato inay dhahdo haa markaad weydiiso inaad damaashaad u waddo

Dabcan ma dooneyso inay kula soo damaashaado haddii aysan ku rabin. Caadiyan waxay ku dhahaysaa haa waqti kasta oo aad weydiiso inaad damaashaad u baxdaan.

Xittaa haddii ay mashquul tahay waxay si adag iskugu dayi doontaa inay waqti kuu hesho. Ama waxay ku leedahay “ mashquul Ayaan ahay jimcaha ee nooga dhig sabtiga”.

4. Waxay sameysaa waxyaabo gaar ah markaad la joogto koox dad ah

Si sahlan ayaad ku ogaan kartaa haddii ay ku rabto marka ay jeceshahay inay ku eegto adigoo dad la jooga ama ay jeceshahay inay ku ag fadhiisato mar kasta oo aad koox ku jirto sidaad darted way kula hadli kartaa.

5. Waxat kuusoo dirtaa farriin dheer

Intabadan markay ku rabto, farriimaheeda ama jawaabaha ay kuusoo dirto ayaa faah faahin badan bixinaya ama waxyaabo badan laga garan karaa.

Haddii ay kuusoo dirto qoraallo faah faahsan oo dhaadheer waa mid kamid ah astamaaha lagu garto inay ku rabto.

Aayaha.net

Aayahaonline@gmail.com

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid