XIRIIRKA IYO GUURKA

7 Sababood Oo Gabadha Noocaan Ah Uu Nin Kasta U Rabo

Shaki kuma jiro in ragga ay soo jiitaan quruxda jirka, dareenka wanaagsan ee kaftanka iyo waxyaabo kale oo aanan micno lahayn, si kastaba ha noqotee, nolosha ayaa intaas kabadan.

Markaad ka maqantahay kaliya ninka geesiga ah ayaa qirta sida aad u tahay qof lama illaan ah ama aanan la illaawi Karin. Ragga kale kuuma qirayaan inaad tahay qof aanan la ilaawi Karin.

Laakiin, siffooyinkaan ayaa kaa dhigaya Gabar aanan la ilaawi Karin oo nin kasta uu rabo inuu heysto.

Naxariis

Ninka wuxuu rabaa gabar caawisa oo taageerta isla markaana garab taagan, ma ahan caruusad qurux badan oo meelaha u raacda bis.

Haddii ninka uu ku aamini karo isla markaana uu ogyahay inaad ka walwaleyso xaaladdiisa haddii ay noqon lahayd farxaddiisa, caafimaadkiisa iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah kadib waxaad tahay haweeney aysan qof kale u bedeli Karin, noloshiisana aysan illaawi Karin.

Anshax

Ninka raadinaya xaas ma ahan gabar uu saaxiib ka dhigto, wuxuu gabadha ka eegaa sifadaan. Tusaale ahaan, noqoshada waalid waa muhiim waana masuuliyad culus, sidaa darteed, way adagtahay  inaad noqoto waalid wanaagsan haddii uu Meesha ka maqanyahay anshax wanaagsan..

Hadaba, boqoradda dhabta ah waxay leedahay tayadaan wanaagsan.

Waxgaradnimo

Tani waa tilmaan lama huraan ah oo run ahaantii ay leedahay gabar boqorad ah oo aanan la ilaawi Karin.

Gabadhu qurux ayay ka noqon kartaa banaanka laakiin gabi ahaan way ka marantahay gudaha, haweeneyda noocaan ah waa mid jahwareer ku rida nin mustaqbal raba.

Haddii ninku uusan hayn wax uu kagala hadlo boqoraddiisa quruxda badan, markaa sidee bay suurogal u noqon kartaa in lagu wada raaxeysto oo wax weyn ama muhiim ah la dhiso?

Gabadha waxgaradka ah waa mid dhan kasta ku wanaagsan isla markaana gacaliyaheeda ka dhigta mid nolosha ku qanacsan una mahadceliya sidaa darteed, gabadha noocaan ah lama bedeli karo mana ilaawi karo.

Daacadnimo

Dunidaan aynu maanta joogno, aad ayay u sahlantahay in qofku uu dadka u muujiyo muuqaal qiyaali ah oo muujinaya nolol qurux badan, laakiin ninka wanaagsan ayaa had iyo jeer soo jiidan doona gabar daacad ah oo aamin ah isla markaana dhaqan wanaagsan.

Saaxiibtinimo

Dhaqanka saaxiibtinimo ee dadka markasta waa mid soo jiidasho leh, labadaba ragga iyo dumarka. Ma jiraan wax ka sii wanaagsan oo ka qurux badan ruux is-hoosaysiiya ama aanan kibir badneyn oo qof kasta kula dhaqmo ixtiraam.

Ixtiraam

Ixtiraamidda ninkaaga iyo sidoo kale dadka kale waa tilmaan aad muhiim u ah oo ragga intooda badan ay u arkaan inay muhiim tahay isla markaana ay leedahay soo jiidasho.

Deganaan

Gabadha wanaagsan ee deganaanta u saaxiibka ah waa tan cajiibka ah ee uu nin kasta jeclaan lahaa inuu guursado.

Boqorada noocaas ah, waa mid dejisa xaalad walba haddii ay qaldantahay iyo haddii laga qaldanyahay, waana nooca ninka uusan illoobi Karin isla markaana aysan gabar kale u bedeli Karin.

Sidoo kale, waxaa jirta Gabadh muran badan oo u ekeen karta qof wanaagsan billoowga xiriirka laakiin inaad wada dhistaan adiga iyo gabar noocaan ah oo u saaxiib ah qeylo badan, muran iyo ficillo aanan wanaagsaneyn xiriir dhab ah oo farxad ku dhisan, nolol wanaagsan iyo qoys way adagtahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid