XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH RAGGA: Shantaan Arrimood Haddii Aad Sameysid Lamaanahaaga Kuma Qiyaani Doonto

Tirada haweenka raggooda qiyaana ayaa sare u kacday balse ninyohoow waadka hortagi kartaa arrintaas adigoo xoojinaya xiriirka kaala dhexeeya lamaanahaaga, qaado talooyinkaan.

1. Dareensii inay tahay qof qiimo leh oo la rabo

Adiga ayaa ku qusbaya inay ku qiyaanto marka aad aad dayacdid isla markaana aadan qiimeyn waxaad gacmaha u galisay nin kale haddii aad iska indha tirtid baahiyaheeda isla markaana aadan qiimeyn dadaalkeeda.

2. ka fogoow waxyaabaha keenaya burburka

Inta badan ragga iyagaa u goodiya haweenka isla markaana kula dhaca waxyaabo aanan jirin, kanina waa dhaqan xun oo loo baahanyahay inaad joojisid, waxaad dareensiisay inaysan bad qabin oo aysan xero ammaan ah ku jirin marka aad had iyo jeer furriin ugu handadid, waxaad gacmaha u galisay nin kale oo ay dareemeyso inay ku nabad qabto.

3. Waligaa ha qiyaanin

Qaar kamid ah ragga waxay qiyaanaan lamaanahaaga sidaas oo ay tahay wali waxay kasii filayaan daacadnimo, ma cuni kartid dooshadaada aad heysatid, haweeneyda markaas waxa ay qiyaaneysaa ninkeeda si ay uga aargudato.

4. Kulanka sariirta mid adag ka dhig/ dhankaas iska adkeey

Bandhigga xun ee aad la tagtid sariirta wuxuu sababayaa inay lamaanahaaga ku qiyaanto, inta badan haweenka weyna ka murugoodaan arrintaas iyagoo raadsada mid qanciya mar haddii odagooda uu ku liito cayaarta sariirta isla markaana boor ka kici Karin.

5. Ha cidleynin

Kali noqoshada waa sabab kale oo haweenka ay u qiyaanaan ninooda, iska ilaali inaad wax badan ka mashquushid sidaa darteed haddii aysan dareemin cidlo waxay qiimeyneysaa hadiyad kasta iyo wax kasta oo layaab leh oo aad u sameysid, wali waxay rabtaa la joogaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid