ARIMAHA BULSHADAXIRIIRKA IYO GUURKA

DHACDO Xanuun Leh: Wiil Diiday In Gabadha Lagu Mehriyo Iyadoo Xafladdii Meherka Ay Socto

Dhacdo layaab leh ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho taassoo aad ay uga nexeen dadkii goo jooga u ahaa iyo kuwii maqlay intaba.

arrintaan ayaa ka dhex dhacday lamaane Soomaaliyeed kuwaas oo muddo dheer xiriir soo lahaa isla markaana qarka u saarnaa in guurkoodu dhaco oo ay hooy yagleelaan.

iyadoo la diyaariyay hoolkii meherka iyo guurka ka dhici lahaa ayaa waxaa mar qura isbedelay xaaladda kadib markii wiilkii lagu mehrin lahaa gabadha oo lagu magacaabo Cabdi Wahaab uu mar qura go’aansaday in meherka iyo guurka gabi ahaanba la joojiyo taasoo uu ku macneeyay qiyaano ay ku sameysay gabadha iyo ehelkeeda intaba.

Cabdi Wahaab ayaana dalbaday in lacagtii uga baxday gabadha ee uu ugu talagalay meherka arooska iyo adeegyada kale gabadha iyo ehelkeeda si dag dag ah loogu soo celiyo 3 maalmood gudahood.

Gabadha oo dhankeeda ka hadashay arintaan ayaa sheegtay in wiilka uu ku nacay qorshihii guurkana uga baxay qabiilka ay kasoo jeedo darteed oo ay sheegtay inay markii hore uga been sheegtay Cabdi Wahaab iyadoo sheegatay qabiil kale oo aysan ahayn.

arrintaan ayay gabadha ku macneysay inaysan marnaba rabin inay weyso Cabdi Wahaab sababtaas darteedna ay u sheegatay qabiil kale illaa markii dambe Cabdi Wahaab uu ogaaday qabiilka saxda ah ee ay kasoo jeedo gabadha taasoo u arkay qiyaano lagula kacay.

Arrintaan ayaa sababtay in gabi ahaanba uu guurkii meeshaas ku baaba’o.

inkastoo ay wanaagsaneyd in gabadha aysan marnaba ka been sheegin qabiilkeeda oo ay runta u sheegto wiilka haku qaato ama haka diidee hadana waa arrin aanan wanaagsaneyn in qof lagu  muslim ah lagu naco qabiil iyo wixii lamida.

Gabadhan oo muuqaalkeedu qabsaday baraha bulshada iyadoo ilmeyneysa kana naxsan wax dhacay oo ah inay weyday ruuxii ay ku hamineysay inuu ninkeeda mustaqbalka uu noqdo hadana xanuunkaas waxaa usii dheer inuu ninka ka rabo wixii qarash ahaa ee uga baxay qorsheynta meherka iyo guurkooda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid