XIRIIRKA IYO GUURKA

Gabaryahay Haddii Lamaankaaga Uu Sameeyo Shantaan Waxyaabood Waa Dhuungal

Ninka naxariista iyo kalgacaylka leh wuu ka duwanyahay kan nab nabka ah ah ama jacaylkiisa uu isku bedelay kalsooni darro, qofka jacaylkiisa isku bedelay kalsooni darrada maba oga inaad u baahantahay nolol farxad leh, isaga ama iyada waxay sameysaa waxyaabo ka farxinaya balse adiga ku dhaawacaya.

Waa kuwaan siffooyinka lagu garto in lamaankaaga uu yahay dhuun gal ama jacaylkiisa isku bedelay kalsooni darro.

  1. Marnaba ma weysid oo kuma siiyo fursad aad ku weysid

Mar kasta oo mid kuu diyaar ah oo kuu heelan, ninka noocaas ah ma weyn kartid, wax walba ayuu u sameeyaa si uu uxaqiijiyo inuu ku dhinac joogo, xittaa shaqadiisa wuu uga tagi karaa si uu kuugu soo dhowaado.

  1. Had iyo jeer wuu kula soo xiriirayaa

Ninka kuu waasha waa kan had iyo jeer kusoo waca ama fariin u dira lamaantiisa, maba joogi karo isagoon fariin u dirin xittaa 5 daqiiqo.

  1. Waa laf dhuun gashay

Ninka lafta dhuunta gashay ah waa Ninka doonaya inuu ogaado wax walba oo yar oo noloshaada kusoo kordha wuxuu ka dhigtaa nolosha mid aanan loo adkeysan Karin.

  1. Wuu waashaa marka aadan fariimaha uga soo jawaabin

Ninka wuu waalanayaa haddii ay waqti qaadato ama aadan uga soo jawaabin fariimaha, wuxuu doonayaa jawaab deg deg ah waqti kasta.

  1. Mar kasta waad heleysaa

Wuxuu doonayaa inuu meel kasta kuu raaco, xittaa kuuma ogolaanayo inaad saaxiibada la sheekeysatid, wuxuu doonayaa inuu kuu raaco kulamada gabdhaha, kama xishoonaayo inuu qeyb ka noqdo gabdhaha saaxiibadaa ah ee kula socda.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid