CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

Waxbadan Ka Ogoow Tallaalka Iyo Faa’idooyinka Caafimaad Uu Leeyahay

Talaalku waa hab difaaca jirka lagu baro in uu aqoonsado jeermisyada ama bakteeriyooyinka xanuunada u keeni kara jirka si uu uga hortago in ay wax yeeleeyaan jirka.

Talaalku waa ka hortag aad muhiim uga ah nolasha qofka bini adamka ah,

Wuxuuna ka caawiya qofka in uusan ku dhicin xanuunada uu qaatey talaalkooda.

Qof walba in uu qaato talaalka uu heli karo waa muhiim sababtoo ah talaalku ka hortag uma ahan shakhsiga qaata oo kaliya balse bulshada oo dhan ayuu ka hortag u noqonayaa.

illaahay SW ayaa qof walba jirkiisa dhexdiisa waxa uu ugu sameeyey hab askareed ka waardiyeeya dhamaan wax kasta oo waxyeelo u geysanaya jirka bini Aadamka,

Nidaamkaan difaaciga ah ee dabiiciga ah ayaa cudur kasta oo mar soo mara oo uu ka adkaado waxa uu ku sameystaa calaamad si markale hadii uu jirka u soo galo isla cudurkii uu si deg-deg ah uga hortago maadaama uu horey u bartey xanuunkan sida loo diriro.

SIDEE AYUU U SHAQEEYAA TALAALKU?

Talaalka waxa laga sameyaa bakteeriyo ama jeermis aad daciif u ah oo dhintey oo si taxadar leh oo nidaamsan waqti badana lagaliyey si fiicana loo diyaariyey wax dhibaato ahna aan u geysanayn jirka bini aadamka ayuu ka sameysanyahay,

Bakteeriyadaas dhimatey ee daciifka ah ayaa jirka bini aadamka lagu durayaa iyada oo talaal ahaan u sameysan,

Isla Markaas ay jirka saas u soo gasho ayaa habkii difaacii dabiiciga ahaa ee jirka la dagaalamayaa bakteeriyadaas daciifka ah wuuna ka adkaanayaa dabadeedna calaamad ayuu ku samaysanayaa cudurka ay keento bakteeriyadii daciifka ahayd ee talaal ahaanta aad u qaadatey,

Lagamana yaabo abadan inta aad nooshahay in uu kugu dhaco cudurka aad talaalkiisa qaadatay.

Talaalka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah Active iyo Passive

ACTIVE waa talaalka caadiga ah ee qofka lagu duro marka aad qaadatana talaalkaas inta nolashaada kadhiman waxa uu kuu ahaanayaa difaac ka hortagaya xanuunka aad qaadatay talaalkiisa.

PASSIVE

Talaalkan waa mid waqti gaaban ah waxaana si dabiici looga helaa naaska hooyada waxaana qaata ilmaha caruurta ah ee naaska nuuga 6 bilood oo ugu horeysa ayuuna socon karaa talaalkaasi.

Hooyo kasta oo talaalan oo ilmaheeda si fiican u nuujisa 6da bilood ee ugu horeysa waxay talaal waqti kooban ah siisey ilmaha ay nuujisey.

Wuxuuna ku egyahay talaalka naaska laga helo 6 bilood kaliya, kadib 6 bilood hooyo kasta waxaan kula talin lahaa talaal walba oo ay aragto in ay qaadato iyada iyo ilmaheeduba si lamid ah dhalinyarada rag iyo dumar talaal walba oo ay qaadan karaan in ay qaataan ayaan iyagana kula talil lahaa.

MUXUU YAHAY XANUUNKA YIMAADA MARKA TALAALKA LA QAATO KADIB

Xanuun,guduudasho iyo barar ku yimaada meesha talaalka lagu mudey ama qandho waa xaalad caadi ah waxa ayna ka dhalataa marka jirka uu soo galo talaalkii bakteeriyada daciifka ahayd ka sameysnaa ayaa difaaca jirka uu la dirirayaa si uu u bur-buriyo bakteeriyada talaalka,

dagaalkaas inta uu ka dhex socdo jirka aya calaamadahaan ay soo muuqdaan mudo 12saac gudohood ah marka la qaato talaalka kadib

waana xaalad caadi ah oo cadeynaysa in talaalka aad qaadatay uu yahay mid shaqaynaya.

Marka haka wal-walin xunuunkaasi wuu iska dhamaanayaa maalin ama labo maalmood kadib.

SIDEE LOOLA TACAALAA XANUUNKAAS MUDADA KOOBAN JIRA?

BARAF intaad maro yar ku duubto saar meesha aad talaalka ka qaadatay kuna haay mudo 20 daqiiqo ah.

Qandho jabiyaal sida pracetamol qaado hadii ay qandho ku qabato.

TALAALADA MUHIIMKA AH EE IN AAD QAADATO AY WAAJIBKA AY TAHAY.

1=TEETANADA

Talaalka teetanada wa talaal aad muhiim ugu ah qof kasta in uu qaato

Siiba gabar kasta waxaa ku waajib ah in ay qaadato talaalkan

Waxaana si bilaash ah looga heli karaa MCH walba ama xarun walba oo hooyada iyo dhalaanka

2=dhamaan talaalada caruurta

Talaalada caruurta dhamaan waxaad ku heli kartaa si bilaash ah fadlan xaafadihiina ayaad nasiib u yeelateen in laidinkugu keeno kuwaas ee caruurtiina u ogalaada in ay qaataan talaaladaas kuna wacyi galiya bulshada talaalada in la qaato.

3= TALAALADA CAGAARSHOWGA

cid kasta talaalkan waa u muhiim in ay qaataan siiba Afrika iyo Asiya dadka ku nool oo ku badanyahay xanuunkaan.

Soomaaliya muqdisha hadii aad joogto waxaad ku heli kartaa lacag ya $10 doolar.

Isbitaalada qayb ayaa laga heli karaa talaalkan

Cudurkaan aad ayuu halis u yahay waan ka hadley.

4= Talaalo badan ayaa jira fadlan mid walba oo aad aragto ama aad awoodo in aad qaadan karto fadlan qaado si aad u bad-baadiso naftaada

“Ka hortagu waxa uu ka wanaagsanyahay Daaweynta”

W/Q: Dr Mohamed Amen

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid