CAAFIMAADKA

Digniin Caafimaad Oo Ku Socota Dadka Gaaska Qaba

Cilmi baaris cusub oo ay sameysey Hay’adda ilaalisa cuntada iyo daawooyinka ee mareekanka loona soo gaabiyo ” FDA” ayaa daaha ka rogtay in kaniinka Gaaska ay inta badan u isticmaasho Soomaalida ee loo yaqaan “Ranitidine” Soomaaliduna ay ugu Yeerto “Santaag” in la ga heley maadada khatarta ah ee sababta kansarka loo yaqaano “N-Nitrosodimethylamine (NDMA)”.

Hay’adda ayaa hada fartay gudaha mareekanka in dhakhaatiirta iyo bukaanada isticmaala kaniinkan ay soo celiyaan iskana joojiyaan isticmaalkiisa.

Dowladdo badan ayaa iyaguna qaatay go’aankaas ah joojinta isticmaalka kaniinkaas.

Fadlan hadii aad adigu isticmaasha ama aad garanayso cid isticmaasha kaniinkan gaaska ee Santaag fadlan uga dig kana jooji ama iska jooji.

U SHARE garee asxaabtaada fariintan muhiimka ah.

W/Q: Dr Amen

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid