CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

Hooyada Uurka Leh Ma Isticmaali Kartaa Malabka?

Hooyada uurka leh ma isticimaali kartaa malabka ?

Hooyada uurka leh wey isticmaali kartaa malabka taas oo micnaheedu tahay in ay raadsadto malabka lagu sameyey pasteurization, pasteurization waa marka laga dilo bacteeriyada la socto malabka.

Si kale haddii aan u dhigo hooyada uurka leh ma isticmaali karto malabka aan lagu sameyn pasteurized sababtoo ah malabka waxaa ku jira bacteriya la yiraado Clostridium botuninum oo sii daysa sun la yiraado botulin toxin suntaas haddii aan laga dilin malabka hooyada uurka leh ma isticmaali karto malabkaas.

Sidee ku ogaan kartaa malabka aan lagu sameyn pasteurization ?

Related Articles

Malabka aan laga saarin sunta botulinum toxin waa midka saafida ah oo aan warsahadda la soo marin ama baadiyaha laga keenay

Sidoo kale wadamada yurub iyo america waxaad ka heli kartaa malab saafi ah oo aan laga saarin sunta waxaana ku qoran unpasteurized ama raw honey at a bee farm oo taasi micnaheeda tahay malab laga keenay beerta ama wali laga dilin sunta botulinum toxin, sunta hadii aan laga saarin malabka waxay dili kartaa ama soo dadajin kartaa foosha sidoo kale waxay wax gaarsin kartaa mindhicirada cunigga ee caloosha ku jira.

FG: inta aad uurka ledahay ha isticmaalin malabka sababtoo ah ma kala saari kartid kan bacteeriyada la socto iyo kan bacteriyada laga dilay.

W/Q :Dr.Cadceed

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid