CAAFIMAADKATALOOYIN CAAFIMAAD

6 Faa’iido Oo Ragga Ay Ka Helayaan Inay Si Joogto Ah u Isticmaalaan Toonta Iyo Malabka

Toonta iyo malabku waxay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo badan oo la xaqiijiyey. Waxaad ku raaxaysan kartaa faa’iidooyinkooda adiga oo isticmaalaya kaligood ama wadajir.

Malabka iyo Toonta waxaa loo qaadan karaa dawo ahaan, ama waxa lagu dari karaa cuntooyinka.

1. Kor u qaadida hormoonka testosterone

Maaddooyinkan ayaa muddo dheer ay isticmaali jireen dhaqaatiirta dhirta wax ku daaweeya si ay wax uga qabtaan cudurro badan oo labka ah. Daraasado lagu sameeyay waxay xaqiijiyeen waxtarkooda iyo saameynta ay u leeyihiin kor u qaadida heerarka hormoonka testosterone oo ah hormoon u qaabilsan korriinka xiniinyaha, qanjirka ragga iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

2. Daaweeynta cilladaha kacsi la’aanta

Sababtoo ah waxay kordhiyaan testosterone, qaadashada malab iyo toon waxay sidoo kale daweyn karaan cilladaha kacsi la’aanta.

Marka laga soo tago hormoonnada, waxay hagaajiyaan wareegga dhiigga ee jirka. Arrintaan waxaa sababa waxyaabo isku darsan oo caawiya nasinta halbowlayaasha iyo xididdada dhiigga kuwaas oo si toos ah u saameeya shaqada xubinta taranka.

3. Sare u qaadida bacriminta

Qaadashada toonta iyo malabka waxay sare u qaadaan bacriminta ragga sababtoo ah waxay kor u qaadaa testosterone, waxay daaweeyaan kacsi la’aanta, waxayna gacan ka geystaan kordhinta shahwada.

Tani waxay ku dhacdaa saameyntooda xoogga leh ee maadada antioxidant.

4. Caafimaadka qanjirka ‘prostate’

Awoodaha sii kordhaya ee hormoonka testosterone oo ay wehliyaan maadooyinka antioxidant iyo anti-inflammatory oo ay wehliyaan malab iyo toon ayaa noqonaya isku-dhaf cajiib ah oo taageeraya caafimaadka qanjirka ‘prostate’ iyo yaraynta khatarta kansarka qanjirka ‘prostate’.

Toonta oo keliya ayaa wax ka qaban karta xanuunada ragga oo ay ku jiraan kansarka qanjirka ‘prostate’ iyadoo markii malabka lagu daro ay kasii dhigayso mid aad u xoog badan.

5. Daawaynta dhiig-karka

Dhiig-karka ayaa aad ugu badan ragga marka loo eego dumarka. Iyadoo aan weli la ogeyn sababaha ka dambeeya arrimahaas.

Waxaa cad in qaadashada toonta iyo malabka ay ka caawin karaan ragga inay hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga.

6. Ka hortagga istaroogga

Toonta iyo malabku waxay kaa caawin karaan inay hoos u dhigaan khatarta cudurka istaroogga. Inkasta oo tani ay muddo dheer caan ku ahayd daawada dabiiciga ah, haddana waxaa taageeray daraasad cilmiyeed.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid