CAAFIMAADKA

Wax ka ogoow sababta daawada loo qaato cuntada kahor qeybna cuntada kadib!

1= Cuntada ka hor daawada cun ” wuxuu dhakhtarku ula jeedaa 30 daqiiqo ka hor waa in aad cuntaa daawadaan”ma ahan 2 daqiiqo ama hal daqiiqo ka hor,

sababta saas uu u leeyahayna waxa ay tahay daawooyinkaas ayaa shaqadii ay jirka u qaban lahaayeen ay dhumeysaa hadii cuntada ay caloosha iskugu tagaan.

2= cuntada kadib cun daawadaan “wuxuu dhakhtarku ula jeeda ilaa 5 daqiiqo cuntada kadib cun daawada” ma ahan 30 daqiiqo ka dib cuntada,

sababta cuntada kadib in aad cunto daawada uu kuu amrayo dhakhtarku waxa ay tahay daawooyinka qaar ayaa hadii ay caloosha tagaan iyada oo maran ayey dhaawici karaan gidaarada hoose ee caloosha.

3= dhamayso daawadaaan ” micnaheedo waa dhamayso dhamaan daawada laguu qorey xitaa hadii aad caafimaado wax yar marka aad ka qaadato daawada”

sababta aad u dhamaysanayso daawada waxa ay tahay si loo dilo dhamaan jeermiskii ku harey jirkaada,
balse hadii aad dhamaysan waydo daawada waxaa dhacaysaa in uu xoogeysto jeermiskii xanuunka keeney uuna la qabsi la sameeyo daawadii sidaasna uu xanuunkii uu kugu soo celiyo daawadiina hadii aad mar kale aad qaadato ay waxba kaa tari waydo maadaama uu la qabsadey jeermiskii.

4= Daawooyinka Fitimiinka ah qaado cuntada kadib ” macnaheedo waa in aad cuntaa daawooyinka fitimiinka ah ee uu dhakhtarku kuu qorey cuntada kadib”

sababtu waxa weeye caloosha oo maran hadii aad fitimiin daawo ah qaadato horey ayey ka baxaysa oo kaadidaada ayey soo raacin marka wa in aad cuntada kadib cuntaa.

waa jawaabo muhiim ah oo anfacaya qof walba fadlan gaarsii asxaabtaada

W/Q: Dr Amiin

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid