XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH RAGGA: Ninyohow Shantaan Waxyaabood Gabadha Aad Ku Dhahdo Waligaa Kaa Tagi Meyso

Waa wax nin kasta looga baahanyahay in xaaskiisa uu kalgacayl iyo inay qiimo leedahay dareensiiyo, marka ay haweeney dareento in la jecelyahay si aad ah ayay ugu raaxeysataa guurka.

Rag badan ayaa hilmaamay xushmadda xaasaskoosa, taasina waxay bur burineysaa guurka.

Waa kuwaan qaar kamid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee haweeney lagu dareensiiyo inay kugu weyntahay isla markaana aad jeceshahay.

  1. “Waanku qadariyaa”

Ogaanshaha kaalinta haweeneyda ee guriga isla markaana aad ku qadarisid waa qaabo wanaagsan oo aad ku dareensiin kartid kalgacayl. Xaqiiqda inaad ogaatid dadaalkeeda way ku farxaysaa, haween badan ayaanan ku faraxsaneyn guurkooda sababtoo ah raggooda waxba kalama socdaan waxyaabaha ay sameeyaan iyo dadaalka ay maalin walba ku bixiyaan guurkooda.

  1. “Waad qurux badantahay”

Waa farxadda haweeneyda inay ogaato in seygeeda uu u arko mid soo jiidasho leh, inaad u sheegtid quruxdeeda waxay dareensiineysaa inay qurux badantahay oo aad jeceshahay.

  1. “Waad igu weyntahay”

Tani waxay tusineysaa inay qiimo agtaada ku leedahay oo aadan qof kale siisaneyn, in xaaskaaga aad ku dhahdid ammaan noocaan ah waxay guurkaaga ka dhigeysaa mid tiir adag oo horey u socda.

  1. “Waanku jeclahay”

Ma jiro wax wadnaha garaaca oo aanan ahayn in ninka uu xaaskiisa ku dhaho “waanku jeclahay”.

Marka aad si kalgacayl leh ugu sheegto jacaylka aad u qabtid waxaad dareensiineysaa inay tahay haweeneyda dunida ugu nasiibka badan, haweenka badankood ereyo noocaan ah kama maqlaan raggooda kadib sanado badan markay isqabaan.

  1. “Aad Ayaan kuugu faraxsanahay”

Ha ogaato sida aad ugu faraxsantahay kaalinteeda hooyanimo iyo tan xaasnimo maadaama ay ay tahay caruurtaada hooyadood, tani ma dareensiineyso jacayl oo kaliya balse waxay siineysaa kalsooni buuxda.

Rag badan ayaa xaasaskooda u yiraahda ereyo dhaawacaya, ninka dhabta ah waa kan xaaskiisa ku yiraahda ereyadaan quruxda badan ee aan kor kusoo sheegnay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid