UGAAR AH DUMARKA: Gabaryahay Ninka aanan Shantaan waxyaabood kuu sameyn ha iska baxo

Haweenka kuma filna xiriir oo kaliya, waxay u baahanyihiin xiriir wanaagsan oo horey u socda gacaltooyana ku dheehantahay.
Marka haddii uusan ninkaaga kuu sameyn waxyaabahan soo socda ma wanaagsan waxaadna u baahantahay inaad ka tagtid ama iska dirtid.
Taageero
Haddii saaxiibkaa uusan aaminsaneyn kartidaada iyo waxa waqtigaaga ku dhameysid waxaa wanaagsan inaad cirdeysid, waxaad u baahantahay qof hore kuu socsiiya kuguna dhiiri galiya wixii aad qabato erey ahaan ama ficil ahaan.
Xushmad
Xushmadda wax walba ayay ka wanaagsantahay marka haddii uu ninkaaga yahay mid u baahan in la baro xushmadda isagana uusan dareemeyn xor ayaad u tahay inaad iska dirtid.
Nin kasta oox xiriir la sameeya haweeney ama la haasaawa waa inuu yaqaanaa xushmadda iyo sida haweenka loola dhaqmo loona ilaaliyo xaquuqdooda sababtoo ah haweenka aad ayay u jecelyihiin xusmadda waana wax wanaagsan.
Xushmadda Qoyskaaga
Xushmaddiisa waa inaysan xadidnaan oo aysan adiga kugu koobnaan marka waa inuu xushmeeyaa qoyskaaga gaar ahaan waalidiintaada iyo xubnaha kale ee qoyska taas aad uga dalbo inuu sameeyo laakiin waalama huraan inuu mar kasta xushmeeyo.
Tani waa mid lagu qasbanyahay marka walaalahaa iyo qaraabadaada raqiis haka dhigin mar kasta ka dalbo, ninkii garasho iyo caqli lehna iyadoon loo sheegin isagaa sameeya.
Mid aanan kuu ogoleyn inaad dareenkaaga muujiso
Kan kuu diida inaad fikirkaaga soo bandhigtid oo aad muujisid dareenkaaga ku aadan xiriirka taasi waa qalad weyn waa inaadan wax fudud u qaadan.
Haddii uu kuu diido inaad muujisid dareenkaaga waa arrin adag iskana dir faa’ido sooma wadee.
Ninka aanan ku dadaalin siduu kuu qancin lahaa
Haddii aad dhowr mar isku day dayday inaad ku dadaashid sidii uu dadaal badan ugu bixin lahaa ku qancintaada sariirta ama inuu xaqaaqa kasoo baxo iyo waxyaabo kale ood u baahantahay isla m arkaana uu kasoo bixi waayo iska dir.