XIRIIRKA IYO GUURKA

UGAAR AH DUMARKA: Ninka Leh Calaamadahan Soo Socda Wuxuu Kugu Rabaa Halkaan Arrin (Iska Ilaali)

Waxaa jira rag badan oo haweenka u isticmaalo lacag ama lacagta ku raba isla markaana ujeedooyin iyo dano kale aanan ka lahayn.

Haddaba waxaan idiin soo gudbineynaa tilmaamaha lagu garto ragga haweenka lacagta kaliya ku raba.

Inta badan waa shiid ama wuu jeeb maranyahay

Qof kasta shied wuu noqdaa ama lacag la’aan balse waxaa jira farqi u dhexeeya ragga macquulka ah iyo kuwa noocaan kale ah ama shiidka sheegto, Ninka macquulka ah caadiyan aad ayuu uga xishoodaa in dhibaatada lacag la’aan ee heysata inuu qof la wadaago isagoo ka cabsi qaba in lagu tilmaamo qof aan jirin oo shiid ah, balse kan raba inuu lacag kaa sameeyo ama lacagta kugu raba wuxuu kuu keenayaa sababo uu lacagtaas ugu baahanyahay caadiyana wuxuu kaa balan qaadaa inuu dib ka bixinayo si uu dantiisa u gaaro balse marnaba ma bixiyo lacagtaas.

Waa lacag ku ciyaar

Wuxuu isticmaalaa lacago aad u farabadan marka uu bannaanada tago ama guriga ka maqanyahay si uu kaaga dhaadhiciyo inuu yahay qof qaali ah hadana arrinta murugada leh ayaa ah inuu lacagtaas inteeda badan uu deyn kusoo qaaday mana celiyo lacagtaas oo dib kama bixiyo sidaa darteed marka aad iska dhaadhicisid in ninkaan uu shidanyahay isla markaana aad aamintid waa markaas marka ay kugu bilaabanee lacag weydiinta.

 Had iyo jeer lacag amaah ah ayuu ku weydiistaa

Iskama dhigaayo nin ay heyso lacag la’aan ba’an ama shiid daran ah sidaa darteed kuuma sheegi karyo inaad lacag siisid marka waxa uu la imaanayaa baahiyo iyo qorshooyin oo qaarkood ay waaweynyihiin ama ganacsi, haween badan oo wanaagsan wey jeclaan lahaayeen inay arkaan ninkooda oo bullaala sidaa darteed wey garab qabtaan.

Maskaxdaada ayaa kuu sheegaysa

Hagaag,  qaar naga mid ah waxay leeyihiin maskax cajiib ah markii ay wax qaldanyihiin waan shakinaa, haddii aad shukaansaneysid shaqsi ujeedo leh waadka fekereysaa sida uu daacadda kuugu yahay, waxaad u baahantahay inaad ka fekertid wanaagaaga.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid