XIRIIRKA IYO GUURKA

10 Astaamood Oo Aad Ku Ogaan Kartid In Ninku Ku Jecelyahay Ama Uu Arrintaan kaa rabo

Sidee haweeneyda ku ogaan kartaa haddii ninka uu jecelyahay ama uu rabo inuu la seexdo? Tani waa su’aal ay adagtahay in laga jawaabo sababtoo ah waxaa jira qaabab badan oo haweenka looga dhigo kuwo la jecelyahay oo kale balse sirta ku qarsoon ay tahay in lala seexdo.

Hoos waxaad ka aqrisan kartaa 10 calaamadood oo lagu ogaado haddii ninka uu ku jecelyahay ama uu doonayo inuu kula seexdo.

1. Haddii uu daneeyo sida ay xaaladdaada ahayd maalintaas ama sidaad ahayd waa mid ku rabo.

2. Haddii uu farriimo kuusoo diro ama kusoo Waco subixii, waxay ka dhigantahay inaad tahay waxa ugu horeeyo ee uu ka fekero ama qalbiga uu ku haayo, taasoo micnaheeda yahay inuu ku rabo.

3. Haddii farriimaha uu kuusoo diro habeenkii kaliya, wuxuu daneynayaa inaad la seexato oo kaliya mana jiro mustaqbal uu kaa rabo.

4. Waxa uu kuusoo wacao ayaa go’aamin kara haddii uu dhab kuu jecelyahay ama uu rabo inaad la seexato.

5. Haddii uu ku weydiisto inaad u dirto sawiro qaawnaansho ah, wuxuu rabaa inuu ka dan gaaro kaliya mana jiro wax mustaqbal ah uu kaa rabo.

6. Waxa markii uu kula joogo uu sameeyo ayay ku xirantahay, haddii uu rabo wada sheekeysi wanaagsan inuu kula qaato, wuuku jecelyahay balse haddii uu ku tab taabto uu aad kuugu soo dhowaado, wuu doonayaa inuu kula seexdo.

7. Farriimaha uu kuusoo diro haddii ay yihiin kuwo xun oo uu kaagala hadlo qorshahaad ugu imaan lahayd, dabadeed wuxuu rabaa inaad la seexato oo uu kaa dan gaaro.

8. Haddii mar kasta uu kusoo Waco isla markaana farriimo aanan xumaan lahayn uu kuu soo diro, wuuku jecelyahay.

9. Intaad wada sheekeysaneysaan, waxa uu ka hadlo haddii ay noqdaan jirkaaga isla markaana uusan rabin inuu wax ka barto naftaada, waxa uu rabo oo dhan waa inuu kula seexdo.

10. Haddii uu rabo in waxyaabo badan uu kaa barto intaad sheekeysaneysaan, waaku jecelyahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid