ARIMAHA BULSHADA

Sababta Caruurtaada Aad Ugu Sheegeyso Inaad Jeceshahay

Dadka badankood waxay u maleeyaan kuwo u wanaagsan caruurtooda iyagoo siinaya dhar wanaagsan, cunto macaan, guryo qaali ah, waxbarasho wanaagsan iyo fasaxa qoyska.

Si kastaba, tani kuma filna caruurta, caruurtaada waa inay kaa maqlaan inaad jeceshahay, tanina waxay keeneysaa inay ogaadaan qiimaha ay kuugu fadhiyaan.

Tani waxay ka caawineysaa inay oaagaadan inaad had iyo jeer u heelantahay oo aysan ficil kaliya kaa ahyn balse sidoo kale erey iyo kalgacayl ay kaa tahay.

Sida lagu sheegay daraasad u sameeyay Joan Ispa, caruurta ayaa kalsooni weyn ku qabaya waalidiintooda iyagoo sidoo kale u muujin doona dareenkooda cabsi la’aan taasoo ay sabab u tahay kalgacayl ay waalidiintooda ugu muujiyeen ereyo iyo sidoo kale hadiyad ahaan.

Jacaylku waa dareen awood badan iyadoo in caruurtaada aad u sheegtid inaad jeceshahay ay bedeleyso fekerka ay kaa qabaan adiga, fekerkooda iyo fekerka mustaqbalkooda.

Tani ayaa ah mid farxad iyo dhoolla cadeyn galineysa qalbiyadooda iyo wajiyadooda. Waxay sidoo kale sare u qaadeysaa niyaddooda si ay ugu noolaadaan nolol rajo leh oo aanan wax cabsi ah lahayn.

Caruurta leh waalidin dhageysta fikradohooda isla markaana mar walba u sheega inay jecelyihiin ayaa ah kuwo mar kasta kalsooni buuxda qaba marka loo eego caruurta kale ee aysan waalidiintooda jacaylka u muujin.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid