HEESAHA QORAALKA AH

Heesta Khadra ee Fanaanka Axmed Rasta oo Qoraal ah (Ka Bogasho Wacan)

Hadii lagu xusho haweenka qurux

aayaha edebtiyo xishood quman

 

ama se lagu ladhay qadarin gabadh

hanaan adigaa laguu qirayoo

marwadii qarnigaad qadraay tahay

 

gobaad tahay qalanjo gaariya

qoyskii ku dhalaa ahaa qaran

qaaradaad ku kortaa mid qali ahoo

marwadii qarnigaad qadraay tahay

 

oo heleey heleliyooy heleelay

qabawga yuba iyo hadaaftimo

oo heleey heleliyooy heleelay

buuraha galgaliyo qandala dahar

oo heleey heleliyooy heleelay

laas qoray badhanbaad u tahay qorax

oo heleey heleliyooy heleelay

sanaag quruxdeediibaad tahay

marwadii qarnigaad qadraay tahay

 

hadii lagu qoray murtida qalin

amaan qudha looga dhigay qodob

qiyaastii adaa u helay qayb

adaa u horeeya qayrkaayoo

marwadii qarnigaad qadraay tahay

 

qofkaad la dagtaa nasiibsadayoo

qaayha adigaa u madan dumaroo

qurayshtii adaa ka galay kowoo

marwadii qarnigaad qadraay tahay.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid