ARIMAHA BULSHADANOLOSHA

3 Farsamo muhiim ah oo ay Aabeyaashu adeegsadaan si ay wiilashooda wax uga baraan nolosha

Aabeyaasha waa taageerayaasha qoyska. Waa kuwo dhisa, kuwo daboola baahiyaha qoyska isla markaana ilaaliya qoyska.

Barbaarinta caruurta, aabeyaasha badankood waa kuwo masuuliyaddaas uga taga hooyooyinka caruurta.

Si,kastaba, canugga wiilka ah waa in la baraa waxyaabo badan oo kamid ah nolosha aabihiis.

Aabaha waa mid fahamsan marxaladaha kala duwan ee nolosha ninka.

Waa kuwaan 3 siyaabood oo aabeyaasha ay wax u bari karaan caruurtooda.

  1. Bar adigoo u sheegaya

Aabeyaal badan ayaa la fadhiista caruurtooda si ay wax ug baraan casharada muhiimka ah ee nolosha. Qaabkaan waa kan ugu wanaagsan ee qof wax looga bari karo nolosha.

U sheegidda caruurtaada sida caalamku u shaqeeyo waxay ku hageysaa in mustaqbalka ay noqdaan adiga oo kale.

  1. Bar adigoo tusaya

Aabeyaal kale ayaa caruurtooda wax ku baraan qaab ficil ah. Ficilka waa mid ka awood badan ereyada.

Aabayaasha noocaas ah waa kuwo si wanaagsan wax ugu sharaxa caruurtooda sidaa darteed caruurta waa kuwo ka faa’ideysan kara.

Waa kuwo waxtar leh.

  1. Bar adigoo cabsiinaya

Qaar kamid ah aabeyaasha waa kuwo caruurtooda waxbara iyagoo cabsiinaya. Farsamadaan waa mid caruurta wax lagu bari karo adigoo cabsi ku gelinaya inay ka fogaadaan sameynta waxyaabaha xun xun taasoo ah mid hagaajineysa dabeecadda caruurta maadaama ay wali yaryihiin.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid