XIRIIRKA IYO GUURKA

Calaamadaha Lagu Ogaado In Ninkaagu Kuu Arko Muhiim

Inaad jeclaato qof kuu arka mudnaantiisa koowaad waa wax caiib ah. Nin mar kasta isku dayi doona inaad qanacdo oo aad hesho farxad waa rajada haweeney kasta.

Waa kuwaan calaamadaha lagu garto in ninkaaga kuu arko muhiim.

  1. Wuxuu jecelyahay inuu barto qoyskaaga

Ninka go’aansado inaad noqoto qofka uu nolosha ku rabo wuxuu rabaa inuu barto oo la kulmo saaxiibadaa iyo qoyskaaga.

Mar kasta waa uu ku faraxsanaan doonaa inuu waqti la qaato iyaga taasoo muujineysa inuu diyaar u yahay mustaqbal iyo guur.

  1. Garab ayuu ku siin doonaa

Ninka kuu arka qof muhiim u ah nolosha waxa uu huri doonaa naftiisa iyo waqtigiisa si uu garab kuu siiyo isla markaana u noqdo garbo aad ku tiirsantahay maadaama aad culeysyo iyo caqabado kaladuwan aad wajahayso.

Kama cabsan doono inuu garab kuu nooqdo isla markaana uu nafta kuu huro.

  1. Wuxuu xasuustaa waxa kasta oo aad u sheegtay

Lamaane kuula dhaqma sida inaa tahay mudnaantiisa wuxuu xasuusan doona wax kasta aad dhahdo, xittaa faahfaahin yar oo adiga xittaa aadan xusuusan. Tani waa astaan muujineysa inuu doonayo inuu kula wadaago nolosha.

Related Articles

Back to top button

You cannot copy content of this page

error: Content is protected !!

Please allow ads on your site

It appears that you are using ad blocker. We rely on advertising to help fund our site. Allow Ads Fadlan ogoloow in xayeysiintu ay kuusoo muuqato Mahadsanid